Wakiillada oo la xisaabtamaya Wasiirrada xukuumadda ee fartu ku godantahay iyo su’aalaha horyaala..
Hargeysa(GNA)-Golaha Wakiillada Soamliland ayaa u yeedhaya xubno ka mida Golaha Wasiirradda ee xukuumadda si ay wax uga waydiiyaan qaabka wasaaradaha ay joogaan u isticmaaleen Miisaaniyadihii sanadkii hore iyo hanaanka loo maamulay qaadhaanka ay Hay’adaha caalamiga ah iyo dawladuhu ku caawiyeen dalka.
Wasiirrada oo qaar muddo ka war wareegayeen Golaha hortiisa
Wasiirradan ayaa waxa ka mida wasiirka Macdanta iyo Tamarta oo Golaha wakiilladu wax ka waydiin doonaan Mashaariicda Shidaal baadhista iyo Heshiisyada dhex maray shirkadaha hawlahaasi dalka ka bilaabay.
Wasiirka Macdanta ayaa dhowr jeer oo hore ka baaqday inuu horyimaado Golaha, isla markaana dhaliilo badan looga soo jeediyay sababta uu uga war wareegayo tafaasiil ka bixinta Heshiisyada uu la galay shirkaddaha ajaanibka ah.
Sida ay Gobanimonews wararka ku heshay, wasiirada waxa kale oo ka mida Wasiirka Qorsheynta qaranka oo isagana wax laga waydiin doono qaabka ay baxeen lacaga deeqaha ee dalka soo galay sanadkii ina dhaafay.
Sida ku cad ajandaha Kalfadhiga 23 ee Golaha wakiillada oo saddex todobaad ka hor furmay u yeedhista Wasiirrada ugu muhiimsan dawladda dhexe ayaa ka mida qodobada hor-yaala Golaha.
Golaha wakiillada ayaa loo dejiyay qorshe hawleed ku lagu muujiyay dar dar gelin lagu samaynayo shaqada golaha iyo la xisaabtanka Hay’adaha kale ee dawliga ah, iyadoo qorshahaasi lagu cadeeyay in goluhu noqon doona mid ka turjuma shacbiga somaliland.
Guddoomiye Cirro oo ka hadlay u yeedhista Wasiirrada iyo qorshaha Golaha
Guddoomiyaha Golahaasi Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro oo ka hadlay fadhigii Maanta ee Golaha ayaa sheegay in guddi farsamo loo saaray qorshe Higsiga Golaha ee 2013-2015 oo qabyo qoraalkiisa dhawaan loo qaybiyay mudaneyaasha.
Guddoomiye Cirro ayaa sidoo kale shaaciyay xubanah wasiirrada xukuumadda ee ay u yeedhayaan todobaadyada soo socda.
“waxa ajandaheenu dhigayey in maalmaha shaqo ee soo socda uu ka koobnaan doonaa, inaga oo raacayna go,aankii ansixinta miisaaniyada qaranka in loo yeedhayo wasiirada si ay golaha uga war bixiyaan arimaha miisaaniyada ee la xidhiidha.
Waxa golaha hor iman doona wasiirka wasaarad Da qorshaynta qaranka si uu uga war bixiyo kaalmadda caalamiga ah ee ku jirtay miisaaniyada qaranka, waxa kale oo ku xigi doona wasiirka wasaarada maaliyada oo isaguna ka war bixin doona arimaha la xidhiidha miisaaniyada gaar ahaan khasnada dawlada,waxa kale oo golaha hor iman doona wasiirka wasaaraDda Macdanta iyo Tamarta oo dhawr jeer oo loo yeedhay ku maqnaa hawlo qaran”ayuu yidhi Guddoomiye Cirro.
Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi ayaa intaasi ku daray “waxa kale oo inoo yaala in Goluhu magacaabo guddi gaar ah kuwaas oo ka soo tallo bixin doona xeer hoosaadka golaha iyo dhamaan hawlaha kale ee khuseeya golewaynaha, xubnahaasina waxay noqon doonaan dhamaan gudoomiyayahaasha guddihoosaadyada golaha iyo sadex xubnood oo kale kuwaas oo ah xildhibaan Baar Siciid, xildhibaan Cabdi Maxamed Jaamac iyo xildhibaan Xamse Maxamed Gaada Wayne, waxaanan siinayaa mudo laba wiigah inay ku soo dhameeyaan hawshaas dabadeedna ay ku soo celiyaan shir gudoonka,arimaha la xidhiidha xeer hoosaadkana waxa lagala tashan doonaa guddidajoogtada ah ee golaha"ayuu yidhi.
Wasiiro Farta lagu godayo
Qaar ka midda wasiirrada Golaha looga yeedhay ayaa saluug badan laga muujinayaa shaqadooda, isla markaana mugdi badani ku jiraa Mashaariic badan oo ay wasaaraddahoodu maamuleen, kuwaasoo uu ka mid yahay wasiirka Duulista iyo Maaliyadda.
Wasiirka Maaliyadda ayaa usbuuc ka hor wareegto uu soo saaray ku hakiyay dhamaan Mashaaricda iyo dhismeyaasha ku jira Miisaaniyadda ilaa bisha 6-aad ee sanadka 2014, taasoo dood badan ka dhex dhalisay dadka arrimaha dhaqaalaha daraaseeya iyo khubarada aqoonta u leh.
Gobanimonews
Hargeysa Office
Email: editor@gobanimonews.com