Pages

Wednesday, January 15, 2014

Somaliland: Wasiir Xaglo-toosiye oo soo gaabiyay Kormeerkiisii Gobollada galbeedka


60caafimadkaBoorama, (GNA) – Wasiirka Wasaarada Caafimaadka ee Somaliland Saleebaan Ciise Xaglatoosiye oo maalintii Axada ahayd ku yimid kormeer shaqo Gobolka Awdal ayaa mudadii uu joogay wuxuu kormeer ku soo maray degmada Dilla iyo Xarunta Wasaarada Caafimaadka ee Gobolka Awdal ee Boorama.



Kormeerka ayaa intii uu ku sugnaa Dilla wuxuu cabasho ka dhegaystay duqayda Degmadaasi Dilla oo u sheegay in Hay’ada WFP ay raashinkii ka goysay Xarunta Caafimaadka ee Hooyada iyo dhalaanka ee degmada Dilla, Isla markaana aan Raashin loo hayn Hooyadii iyo caruurtii nafaqadu daradu haysay wax raashin, sidaas Awged ay ka codsanayaan wasaarada Caafimaadka inay u raadiso raashinkii bukaanada la siin jiray.



Wasiirku oo ay wehelinayeen Agaasimo waaxeedyo ka mid ah Wasaarada ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay Boorama, waxaanay shirar la qaateen Iskuduwaha caafimaadka iyo dhakhaatiirta qaarkood, waxaanu wasiirku u sheegay in uu Afar maalmood joogi doono Awdal, isla markaana u kuugeli doono hawlaha caafimaadka iyo baahiyaha jira, Balse dhawr saacadood ka bacdi ayaa wasiirkii iyo xubnihii wehelinayay ay u dib uGu soo shiraacdeen Hargaysa, lamina garan sababta dib u celisay Wasiirka Caafimaadka iyo weftigiisa.



Balse ilo wareedyo ku dhawaa ayaa sheegaya in wasiirku dib uGu laabtay Hargaysa markii uu maqlay warka sheegaya in colaadi laba beelood ku dhexmartay Tuulada OOg ee gobolka Sool, taasi oo Wasiirku isku diyaariyay in uu ka mid noqdo xubnaha loo dirayo xalinta khilaafkaasi oo beelaha diriray midkood ka soo jeedo.



Warar kale ayaa sheegaya in wasiirku degdeg uGu laabtay si uu uga mid noqdo wefti raaci doona M/weyne Siilaanyo oo dhawaan u bixi doona Yurub, maadaama uu ka hadhay weftigii wasiirada ahaa ee tegay Adisababa ee isku diyaarinayay wadahdalka Somaliland iyo Somalia.



Si kastaba ha ahaatee Wasiirka Xagla toosiye ayaa socdaalkiisa G/Awdal ahaa midkii uGu horeeyay ee uu ku yimaad gobolka ilaa intii wasiirka laga dhigay, wuxuuna dhakhaatiirtii caafimaadka ee Gobolka ku qaabishay u sheegay in uu subaxda Isniinta iman doono taasi oo la waayay maalintii dambana, waxaana la isweydiinaya waxa uu ka biyo diiday wasiirku.



Ilaa imikana waxaa lala sugayaa qalinjabin ay koox caafimaadka ahi ka qalinjabinayeen waxbarasho u socotay oo heer Jaamacadeed ah



Gobanimo news.com



Borama office