Hargaysa(GNA)-Maxaabiista loo haysto falalka budhcadbadeednimo ayaa cuntadda ka soomay, iyaggoo dalbanaya in xukunadoodda dib loo eego.
Tiro maxaabiis u xidhan falalka budhcad badeednimada ayaa ku xidhan xabsiyo ku yaala Somaliland, kuwaasoo qaarkood dalal kale looga soo wareejiyay halkan.
Sida uu Wargeyska Saxafi eek a soo baxa Magaalada Hargeysa daabacay maxaabiis tiradooda lagu sheegay 34 oo budhcad badeednimo u xidhan ayaa cuntada ka soomay maalintii saddexaad.
Maxaabiistan oo hay’ada qaramadda Midoobay ee UNODC ay Somaliland keentay, islamarkaana laga soo wareejiyay Jasiiradda Seychelles oo Maxkamad lagu saaray ayaa waxaa xogaha wargeysku helay sheegayaan inay ka cabanayaan Xukunadda ay kala yimaadeen maxkamadii Seychelles oo gaadhaysa inta u dhaxaysa 24 sanadood ilaa 14 sano, iyaddoo Xukunadaasi ay dalbadeen in dib loo eego oo ay ka qaataan racfaan Somaliland ah, taas oo la sheegay in Somaliland-na diiday maadaama sida la wariyay aanay ku jirin heshiiska loogu soo wareejiyay.
“Waxay joojiyeen cuntaddii waxaana ay ku doodayaan in Maxaabiistii kaga hadhay Jasiiraddii laga keenay ee Seychelles qaarkood la sii daayay oo Xukunkii ka jabay, intoodii dooratay in halkan lagu hayana aan wax dacwad ah oo danbe la weydiin.
Markaa, waxaa la kulmay madaxda ciidanka Asluubta oo u sheegay inay u gudbinayaan Wasaaradda cadaalada, waxana la filayaa in loo keeno Sabtida madaxda Wasaaradda cadaaladda. Iyaguna waxay sheegeen inay cuntadda ka soomanaanayaa ilaa inta arrintoodda dib loo eegayo ama ay ka dhimanayaan.” Sidaas waxaa yidhi mid ka mid ah Ilaha Uu Xogta Wargeyska Saxafi ka Helay
Maxaabiistan falalka Budhcadbadeednimo loo haysto ayaa iyagu codsaday in Somaliland lagu hayo, iyagoo u xilanaya afka iyo dhaqanka ciidamada ilaalinaya iyo u dhawaanta eheladdooda.
Laakiin, waxaa ay hore cabasho uga muujiyeen dhaqanka hay’adda Qaramada midoobay u qaabilsan arrintoodda ee UNODC oo ay ku eedeeyeen inay ka baxday balantii ay hore ugu qaaday xanaanayntoodda oo dhamaystiran.
Maxaabiistu waraysi ay siiyeen Wargeyska The Globe bishii kow iyo tobnaad ee sanadkii aynu ka soo gudubnay waxaa ay ku doodeen in la siiyo dhaqaale kooban oo aan ku fileyn noloshoodda maalin laha ah.
Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Saraakiisha Ciidanka Asluubta oo arrinta la xidhiidha, hase ahaatee somaliland ayaa sanadkii 2012-ka ku dhawaaqday inay qayb ka noqonayso waddamada lagu xabisayo Budhcad badeeda somaliland.
Gobanimonews
Hargeysa Office