Pages

Monday, January 13, 2014

Somaliland: Madaxwaynaha oo Dhaqan Geliyay Xeerka Adeega Dhismeyaasha Naafadda


Hargaysa(GNA):Madaxwaynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (siilaanyo) ayaa dhaqan geliyay xeerka adeega dhismeyaasha naafadda, kaasi oo ay hore u ansixiyeen golaha baarlamaanka isla markaana la sugayay in uu madaxwaynuhu saxeexo si uu dhaqan gal u noqdo.




Sidaasina waxaa lagu sheegay warsaxaafadeed manta ka soo baxay madaxtooyada, kaasi oo uu ku saxeexnaa afhayeenka madaxwaynaha Md. Axmed Saleebaan Dhuxul,ayaa waxaa la sheegay in deegaanka ku xeeran dadka naafada ah aanu u saamaxaynin in ay awood u yeeshaan in ay hawlahooda u gutaan  si madax bannaan, isla markaana aanay  dadka naafada ahi caqabado kala kulmaan xarumaha  Caafimaadka, Dugsiyada. Cibaadada, Goobaha Biyaha iyo Goobaha lagu shaqeeyo  iyo dhammaan meel kasta oo dadku isugu yimaado oo uu ka helo adeeg dawladeed ama mid gaar loo leeyahayba.




 




 




 




 Sidoo kale waxaa warsaxaafadeedkaasi lagu sharaxay ahmiyada ay leedahay in dhammaan xarumaha loo dhiso Hay’adaha Dawladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay ee bixiya adeegyada dadweynaha noocay doonaanba ha noqdaane, waxaanu warsaxaafadeedkaasi intaasi raaciyay in fullinta xeerkan waxa u xilsaaran, isla markaana iska kaashanaya wasaaradda Hawlaha Guud, Guryeynta iyo Gaadiidka, Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada iyo Dawladaha hoose ee Degmooyinka Dalka.




 




Warsaxaafadeedkaasi oo dhamaystirana waxa uu u dhignaa sidan:




 




Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu xeer madaxweyne oo Sumadiisu tahay JSL/M/XERM/249-2232/012014 uu ku dhaqan geliyey xeerka Adeegga Naafada ee Dhismayaasha.




 




Madaxweynuhu:-




 




Markuu Arkay:                           Qodobka90aad ee Dastuurka Jamhuuriyada Somaliland




 




Markuu Arkay:                           Qodobka 19aad ee Dastuurka Jamhuuriyada Somaliland




 




Markuu Arkay:                           In deegaanka ku xeeran dadka naafada ah u saamaxaynin in ay awood u yeeshaan in ay hawlahooda u gudan karaan si madax bannaan,




 




Markuu Garwaaqsaday: In dadka naafada ahi caqabado kala kulmaan




 




xarumaha  Caafimaadka, Dugsiyada. Cibaadada,




 




Goobaha Biyaha iyo Goobaha lagu shaqeeyo  iyo




 




dhammaan meel kasta oo dadku isugu yimaado oo uu




 




ka helo adeeg dawladeed ama mid gaar loo leeyahay,




 




Markuu Arkay:   Xilka Xukuumadda ka saaran sidii wax looga qaban lahaa caqabadaha, isla markaana loo fududayn lahaa,




 




 




 




Wuxuu soo saaray:




 




Qodobka (1)aad




 




Dhismaha Xarumaha Hay’adaha Dawladdu leedahay ama gaarka loo leeyahay




 




In dhammaan xarumaha loo dhiso ama loo dhisayo Hay’adaha Dawladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay ee bixiya adeegyada dadweynaha noocay doonaanba ha noqdaane, Goobaha dadweynuhu ku kulmo ee cibaado, dhaqan, bulsho, ama madadaalo; laga bilaabo marka xeerkani dhaqan galo loo dhiso hab ama hannaan u fududayn kara in dadka naafada ahi joog ahaan iyo sal ahaanba u geli karaan ama u gaadhi karaan.




In dhammaan xarumaha Hay’adaha Dawladda iyo kuwa gaarka loo leeyahayba ee bixiya adeegga iyo goobaha laysugu yimaado ay ugu talo-galaan meelo la dhigo gaadiidka curyaaminta (Parking)




Qodonka (2)aad




 




Fulinta xeerka




 




Fullinta xeerkan waxa u xilsaaran, isla markaana iska kaashanaya wasaaradda Hawlaha Guud, Guryeynta iyo Gaadiidka, Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada iyo Dawladaha hoose ee Degmooyinka Dalka.




 




Qodobka (3)aad




 




Dhaqangalka xeerka iyo Dabaqaadiisa




 




Xeerkani waxa uu dhaqan-gelayaa laga bilaabo taariikhda ku suntan xeerkan ee madaxweynuhu saxeexay.                                            




                                                        




 




ALLAA MAHAD LEH




 




 




 gobanimonews.COM/HARGEISA Office




 




Khaddar Cabdi Muuse




 




Khadarmuuse94@gmail.com