Pages

Saturday, January 18, 2014

Somaliland iyo Somalia oo wada hadalo uga socdaan Turkiga maalintii labaad


wada hadalAnchor(GNA)-Wadahadallada Soomaaliya iyo Somaliland ayaa ka socda Turkiga iyadoo aanay caddayn in qodobka gooni isu taagga Somaliland laga hadli doono.




Waa markii afaraad ee dhinacyadaan ay kulmaan tan iyo markii ay wadahadallada bilawdeen sanadkii 2012-kii.




Kulankan ayaa waxa uu socon doonaa muddo afar maalmood ah oo dhinacyada shirkani ka qeyb galaya ay ka wada hadli doonaan ajeendaha shirka.




Somaliland ayaa horey u sheegtay in qodobka gooni isu taagga Somaliland lagu soo qaadi doono shirkan.




Balse Dowladda Federaalka ma xaqiijinin in arrintaas laga wadahadali doono.




Labada dhinac ayaa si weyn isugu khilaafsan midnimada Soomaaliya iyo gooni isu taagga Somaliland.




Balse waxay horey u saxiixdeen heshiis ku saabsan iskaashi dhanka ammaanka iyo dhaqaalaha ah.




Wafdiga dowladda federaalka waxaa hoggaaminaya  wasiirka arrimaha gudaha, halka wafdiga Somaliland uu hoggaaminayo wasiirka arrimaha dibedda.




Wasiirka Arrimaha dibada somaliland oo maanta la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay somaliland ahaan taaganyihiin go’aanka gooni-isutaaga.




Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca weftiga Somalia oo arrimaha laga wada hadlay ku saabsan.




Somaliland ayaa 1991-kii ku dhawaaqday inay ka goosatay midninadii Somalia ee lixdankii lagu dhawaaqay.




Shirka socda ayaa u muuqda mid lagu sii amboqaadayo qodobadii hore loogu heshiiyay, sida wada maamulida Hawada, qaybsiga dhaqaalaha iyo ka wada shaqaynta Amniga Gobolka.




Arrinta Maamulka Hawada ayaa ah ta iminka farsamo ahaan ay aad labada dhinac u danaynayaan, sida uu dhawaan ka dhawaajiyay Wasiirka arrimaha dibada Somaliland.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com