Muqdisho(GNA)-Reysal-wasaaraha Somalia ayaa Golaha Baarlamanka Federaalka ka codsaday in la hakiyo hindise sharciyeedyo ay u soo gudbisay xukuumadii hore ee Cabdi Faarax Garaad.
Baarlamanka ayaa sharciyadaasi ka doodi rabay xiliyadda soo socda, waxaase reysal wasaare Cabdi wali Sheikh Axmed Maxamed uu dalbaday inaan la ansixin ilaa xukuumad cusub uu ka soo dhisayo.
Guddoomiyaha Golaha Baarlamanka Maxamed Cismaan Jawaari, ayaa Golaha u akhriyay warqad codis ah oo Reysal-wasaaruhu soo qoray, taasoo lagu shaaciyay sharciyadda uu dalbaday in la hakiyo sababta ku keliftay, go’aankan oo ah mid shakhsiya.
“Waxaa jira codsi iga soo gaaray Raisul wasaaraha cusub oo la xiriirta sharuucda aan ku soo shaqeynay ee kalfadhigeenii inta badan qaatay oo gudiyada ay gacanta ku hayaan, waxaana uu naga codsaday in aan hakino hindise sharciyeedyada” ayuu yiri Jawaari.
Sharciyadda uu Cabdiwali Sheikh Dalbaday in la hakiyo ansixintooda ayaa waxa ka mida, Hindise sharciyeedyada kala ah Hindise sharciyeedka dastuurka, Hindise sharciyeedka golaha adeega garsoorka, Hindise sharciyeedka gudiga Xuquuqul insaanka, Hindise sharciyeedka la dagaallanka argagixisada, Hindise sharciyeedka gudiga xuduudaha iyo federaalka, Hindise sharciyeedka maalgeshiga shiyeeye ee Soomaaliya, hindise sharciyeedka dhismaha hay’adda maareynta musiibooyinka iyo hindise sharciyeedka bankiga horumarinta Soomaaliyeed.
Reysal-Wasaraha ayaan ilaa hada ooda ka qaadin Golaha cusub ee wasiiradiisa, waxaana la sheegayaa inuu wali la tashiyo ku gudo jiro.
Cabdiwali Maxamed Sheikh ayaa Maanta la kulmay Ergayga gaarka ah ee qaramada midoobay u qaabilsan arrimaha Somaliya Nickolas Kay, waxaanay ka wada hadleen arrimaha siyaasadda ee dalka iyo qorsheyaal kale oo labada dhinac khusaysa.
Gobanimonews
Muqdisho Office
Email: editor@gobanimonews.com