Hargeysa(GNA)-Maxkamada ciidamada qalabka sida ee Somalia ayaa xukun dil ah ku riday sadex askari oo ka tirsan ciidamada dowlada ee gobolada Bay iyo bakool, kuwawsoo hadda ku jira xabsiga magaalada Baydhabo.
Guddoomiyaha maxkamadda ciidanka qalabka sida ee dowladda Soomaaliya qeybta gobollada Bay iyo Bakool, Sheekh Xuseen Maxamed Mursal ayaa sheegay in raggan lagu helay inay siyaabo kala duwan dilal bareer ah ugu geysteen askar kale iyo dad rayidda.
Sheekha ayaa sheegay in qof walba oo dhibaato u geysta shacabka ay maxkamaddu marsiin doonto waajibkiisa, raggan dhamaantoodna lagu fulin doono toogasho.
Dil-suge Jamaal Cali Maxamuud oo 21-jir ah ayaa ka mid ah ragga la xukumay, waxaana lagu helay inuu dilay askari ciidamada dowladda Soomaaliya ka tirsanaan jiray dhawaan.
Yuusuf Isaaq Nuur oo 23-jir ah, ayaa isaguna ka mida Askarta la xukumay ee dil sugeyaasha ah, kaasoo lagu helay inuu dilay ka dibna ceel ku riday meydkiisa Mustaf Xaaji Xasan oo ahaa askari ciidanka dowladda Soomaaliya ka tirsanaa.
Dil suge Cali Aadan Isaaq oo 47-jir ah ayaa isna lagu helay inuu dilay marxuum Ibraahim Madoobe Aadan oo ahaa guddoomiye ku-xigeenkii xaafada Horseed ee magaalada Baydhabo.
Hay’ddaha Garsoorka Ciidamada dawladda Somalia ayaa la tacaalaya gabood falada ay geysanayaan ciidamada amaanka iyo kuwa Milateriga dawladda Somalia, kuwaasoo qaar ka mid ahi dhibaatooyin u geystaan shacbigii loogu talo galay inay difaacaan.
Gobanimonews
Muqdisho Office
Email: editor@gobanimonews.com