Muqdisho, 06 January 2014 – (GNA)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Ergeyga Gaarka ah ee IGAD Ambassador Mohamed Abdi Afey oo bishii December loo magacaabay xilka.
Ambassador Afey oo si weyn loo yaqaano isla markaana aad u fahamsan arrmaha Soomaaliya ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsanyahay inuu maanta madaxtooyada ku soo booqdo Madaxweynaha Soomaaliya.
Ambasadoorka ayaa balanqaaday sida ay uga go'antahay inuu Dowladda Soomaaliya kala shaqeeyo arrimaha amniga iyo horumarka dalka.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa u hambalyeeyey Ambassador Afey xilkan cusub isla markaana sheegey in IGAD iyo Dowladda ay wax badan ka soo wada shaqeeyeen, haddana la doonayo in aragtida fog ee dowladda laga shaqeeyo sidii loo fulin lahaa oo dalka Soomaaliya loo gaarsiin lahaa marxalad uu shacabku ku faani karo isla markaana caalamka aan kaalin fiican ka qaadan karno.
Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud, ayaa lixdii bilood ee ugu dambeeyay qaabilay Sufaro badan oo ka kala socda dalalka EUROPE, Africa iyo Ausia.
Gobanimonews
Muqdisho Office