Borama(GNA) Maamulka Xisbiga UCID ee Gobolada Awdal iyo Salal oo Shir aan caadi ahayn ku yeeshay Xaruntooda Magaalada Boorama ayaa waxa ay kawada hadleen qodobo dhoor ah oo iskugu jira talooyin iyo baaq ay usoo jeediyeen taageeraasha xisbiga UCID meel kasta oo ay joogaan.
Sida uu shabakada u xaqiijiyay sargaal ka tirsan xisbigaasi UCID ee gobolka Awdal Siyaasi Cumar Daahir Cilmi shirkaasi aan caadiga ahayn ayaa waxa lagaga hadlayay sidii taageerayaasha xisbiga loola socodsiin lahaa xaalka xisbiga raaligalina loo gaarsiin lahaa, waxana uu yidhi “waxaanu taageerayaashayada ka raali galinaynaa hadalkii uu Gudoomiyihii hore ee Xisbiga UCID ee Gobolka Awdal Md. Ismaaciil Geele Cadar uu warbaahinta ka sii daayay, waxana aan leenahay, waxay ahaayeen hadalo wax udhimi kara amniga iyo qaranimada Jamuuriyada Somalilad, waxanan arintaasi dhacday ka raali galinayna dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshada ee ku abtirsada gobolada Awdal Gabilay iyo Salal waxaana usheegaynaa in xubintaasi hadalka ka soo yeedhay uu yahay mid u gaar ah oo aanu la qabin maamulka xisbigaasi ee goboladan.
Siyaasigan oo hadalkiisii wata ayaa waxa uu intaasi ku daray “arintani waa mid anaga iyo qarankaba wax udhimi karta islamarkaasina uu ku gafay sharcigii iyo xeerkii xisbiga UCID, sidaa darteed Xisbiga UCID wuxu ku anshaxmariyay inuu kala noqdo xubinnimadii iyo xasaanadii uu uhayay Xisbiga.
Masuulkan ayaa Uugu danbayntii waxa uu fariin udiray maamullada Gobolada Awdal iyo Salal ee Xisbiga UCID waxaana uu yidhi “ waxaan farayaa dhamaan maamulada degmooyinka inay howlahoodii shaqo sidii usii wataan waxaana idiinku mahad celinayaa sida wanaagsan ee aad hawlihiina shaqo u wada taan
Gobanimo news.com
Borama-somaliland