Pages

Tuesday, January 14, 2014

sawir maskaxeedka mustaqbalka fogi waxa uu kugu hogaamiyaa wadada guusha. BY : Maxamuud Carab


Howl kasta iyo waxkasta oo aad qabanaysaaa waxa bar bilow u ah oo ay ka asaasmaan maskaxda iyo garaadka,howsha iyo shaqo wanaagaagu waxa ay ku xidhantahay hadba sawirka ay maskaxdeenu ina siiso ama nooca aragtida sawirka ee ku jira ama ka dhex guuxaysa maskaxdeena




 




Fikirkaagu waa barbilowga guushaada , maxaa yeelay waxa maskaxdeena ku jira habka aad u marayso hamigaaga iyo himiladaada waxanad ka fikiraysaa wadada aad u mari lahayd guusha si aad u gaadho hamigaaga .




Waxaa xaqiiqo ah in aad tahay qofka aad tahay, cabirkaaga guud ee guushaada waxaa miisaan iyo kafad u ah halka aad tagantahay, Hadii aad rabtid inaad samaysid isbedel ku wajahan horumarka nolosha waa inaad bedeshid waxa maskaxdaada ku jira .




Maxaa yeelay waxa ugu badan ee isbedelka nolosha keena ee kugu hogaaminaya guul waxaa xudun u ah maskaxd. Hadii aanad fikirin waxba ma bedeli kartid waxa maskaxdaada ku jiraana waxaa uu bedeli karaa guud ahaan qaab nololeedkaga.




Markasta kobci oo koolkooli maskaxda si aad u hesho isbedel iyo wax cusub oo faaiido iyo dhaxal gal u noqda noloshaada




Dadka badankooda waxa ku adag oo aanay marnaba la qabsan Karin isbedelada dhinaca nolosha kasoo wajaha, waxay faaiido balaadhan u arkaan in ay ku jiraan xaladoodii hore oo anay samaynin isbedel, waayo waxa uu u bahanyahay isbedelku fikir,howl,dadaal, u adkaysi, iyo dulqaad ku wajahan xalada cusub ee aad bilaabayso.




Somalida ayaa ku maahmaahda ‘noloshu waa siyaasad kaan garan habaynteeda ma islaaxiyo wanageeda’




Qofka caqliga la saxiibka ahi waxa uu dabka u shitaa si uu u dugsado qofka maangaabka ahina waxa uu dabka u shitaa si uu ugu gubto, nimcooyinka illahay inagu manaystay ee aynaan ka warqabin faaiidadooda ayaa waxaa kaw ka ah maskaxda waxayna dadbadan garab marsan oo ay dhaafsiisanyihiin waxqabadka maskaxdeena taas oo haddii aynu u kuurgalo faaiidooyinkeeda laga dheehankaro guulo badan oo aynu ka gaadhno nolosha adduunyo iyo ta aakhiraba .




 




Maskaxdeena waxa ku gadaaman nimcooyin badan oo loo bahanyahay in aynu isticmaalno oo aynu ka shaqaysiino .




 




Nolosha miyiga ayaa ku dhaqan marka uu soo dhawyahay gu,gu in loo diyaar garoobo oo gawaha loo cusho sidii looga bixi lahaa dhibaatadii soo wajahday xiliga jilaalkii , sida xiligaasii ku cad waxaa laga dhaxlaa diif badan , caano la,aan,abaar,waxaana gaawaha loo cushaa xiliga guga oo lagaga raysta jilaalka, maskaxdaadu waa fure ka mid ah guulaha noloshaada .




Dadyar ayaa diirada saara mustaqbalka maxaa yeelay nolosheena ayaan ku kharash garaynaynaa halkaasi ( mustaqbalka fog)




Xasuusnow hadii aanu wakhtigii hore aanu ahayn mid mugwayn kuu leh noloshana inta badan aad ku guul daraysatay isticmaalka maskaxdaada maaha inaad iska raarido in mustaqbalkaaga danbe uu madaw ku jiro , illahay talo saaro waxanad aamintaa awoodaha qarsoon ee aad leedahay si aad mustaqbalkaaga fog guul uga gaadho




Ku sifow tilmaamahan si aad guul uga gaadho arrimaha aad ku foogantahay ee dhinaca isbedelka nolosha




1.Yeelo fikir durugsan: hadii aad yeelato fikir fog oo durugsan waxaa aad had iyo jeer ku fikiraysaa sidii aad u gaadhi lahay hamigaaga iyo fikirkaaga waxaanad wakhtigaaga inta ugu badan ku bixinaysaa wax yabaha aad ku guulaysanaysid




 




2.Noqo waaqici:markasta waxa aad ku dadaashaa inaad noqoto qof xaqiiqada wajaha oo aan iska indho tirin waaqiciga( runtu waa lama huraan)




 




3.Markasta dhinaca wanaagsan wax ka eeg: waxa aad ku dadaashaa inaad noqoto qof dhnca wanaagsan wax ka eega oo aanad noqonin qof balaayo sheega isticmaal ereyadan ( waan kari karaa, waa ay hagaagaysaa, way fiicantahay).




 




4.Ha rajo dhigin waligaa:rajadu waa dhiiri gelinta howlaha aad ku foogantahay




Rajaduu waa awood naftaada carcar gelisa




Rajadu waa awooda sahasha in qofku sameeyo diyaar garow




 




5.Ha ku mashquulin caqabadaha nolosha ee ku soo wajahaya: indhahaagu yay arkin caqabadaha kusoo wajaha balse waa in ay indhahaagu ay arkaan meesha aad u socoto(go,aankaagu ha noqdo meesha aad u socoto




 




6. Guul daradu kuma xidhna wakhti kusoo maray :guul daraadu maaha keliya inaad guul daraysato wakhti tagay balse waxa ay ku xidhantahay guul daradaadu hadba sida aad u dayacdo wakhtigaaga, maskaxdaada iyo dhamaan awoodaha dayacan ee aad haysato balse aad moogantahay.




 




7. Waxqabadkaaga koob: haddii aad istidhaa mar wada same isbedelka nolosha waxaa laga yabaa inaad guul daraysato fadlan isku day inaad taako taako aad isbedelka nolosha u samayso




 




Salaanka noloshu marnaba lagama yaabo inuu noqdo mid toosan oo siman wakhtiyada qaar waxaa lagayabaa inaad tirsato dhibaato waligaa ha niyad jabin caqabadaha noloshana u qaado cashar aad ka barato casharo, waxaa laga yabaa inaad maalin maalmaha ka mida aad guulaysato .




 




W/Q MAXAMUUD CARAB




WA BILAAHI TAWFIIQ