Garowe(GNA) Waxaa magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland ku sugan safiiro ka socdey dalalka Midowga Yurub sida UK, Norway iyo Spain. Sidoo kale waxaa ku sugan Ergayga Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey Ban ki Moon uga wakiilka ah Soomaaliya Nocholas Kay, Ergayga IGAD ee Soomaalitya Ambsador Maxamed Cabdi Afey iyo diblomaasiyiin kale.
Ergada beesha caalamka ka socotey ayaa so gooni ah ula kulmey Musharixiinta madaxweynaha Puntland oo tiradoodu gaareyso 10, kadib markii ay jeediyeen khudbadihii barnaamijkooda, waxaana shirkoodu ka dhacay Aqalka PDRC. Musharixiinta iyo Beesha