Pages

Monday, January 13, 2014

Saaxil: Dhalinyarro Deeq Dhawr Iyo Xoolo Isugu Jirta Gaadhsiiyay Cusbitaalka Dhimirka Berbera


Berbera(GNA)Dhalinyaro isugu jira rag iyo dumar oo ka soo jeeda gobolka Saaxil ayaa shalay deeq kala duwan oo ka kooban dhar iyo xoolo nool gaadhsiiyay cusbitaalka dhimirka ee magaaladda  Berbera.




 




s1 s5Deeqdan oo ay xubnahan dhalinyaradda ahi iyagu iska ururiyeen ayay ugu tallo galeen in ay ku caawiyaan dadka maskaxda ka buka ee ku jira cusbitaalka dhimirka ee magaaladda Berbera, taasi oo ay sheegeen in ay iyagu u garteen in ay dadkaasi ku caawiyaan.




 




Agaasimaha  cusbitaalka dhimirka ee magaaladda Berbera oo deeqdaasi ka gudoomay dhalinyaradaasi is-xilqaamay ayaa uga mahad naqay deeqdan ay soo gaadhsiiyeen dadka maskaxda ka xanuunsanaya ee ku jira cusbitaalka sida xilkasnimada leh ee ay u garteen in ay u caawiyaan dadkan  walaalahood ah ee kaskaxda ka jiran.




 




Waxaanu tilmaamay agaasimuhu  in ay wax lagu farxo tahay in xubnahan dhalinyarada  ahi iyaga oo aan ahayn hay’ad ama urur isla markaana aan gacan ka helin xukuumada ama cid kale sida ay isku xilqaameen ee ay u garteen in ay wixii karaankooda ah inta ay iska soo ururiyeen ka dibna ay dadkan maskaxda ka buka deeqdan qiimaha leh u soo gaadhsiiyeen.




 




 Ifraax Haybe Cigaal oo ka mid ah xubnaha hawshan tabarucaadka ah isku soo duba riday oo ka hadashay deeqdan ay gaadhsiiyeen cusbitaalka dhimirka ee Berbera ayaa sheegtay in ay iyagu ka dhalinyaro ahaan is abaabuleen isla markaana u garteen in ay deeqdan kala duwan oo ka koobnayd  dhar iyo xoolo nool in ay gaadhsiiyaan dadka dhimirka ka buka ee cusbitaalka magaaladda Berbera ku jira.




Waxa kale oo ay Marwo Ifraax sheegtay in lacagta ay xoolaha iyo dharka ku soo iibiyeen ay iyagu ka dhalin yaro ahaan iska soo ururiyeen, isla markaana aanay deeqdoodani ku lug lahayn ama aanay ka danbaynin cid siyaasiyiin ah bal se  markii ay arkeen baahida ay qabaan dadka ku jira cusbitaalka dhimirka Berbera ay iyagu ka dhalinyaro ahaan garteen in ay lacag iska ururiyaan ka dibna ay dadkaasi maskaxda ka xanuunsanaya ku caawiyaan deeqdaasi ay ka soo iibiyeen lacagtii ay iska soo ururiyeen.




 




Ifraax Haybe Cigaal, waxa kale oo ay tilmaantay in dadka maskaxda ka buka ee ku jira cusbitaalka Berbera ay tiradoodu ay tahay 12-dumar iyo 60-rag, kuwaasi oo xanuuno kala duwan oo dhinaca dhimarka ah  qaba, kuwaasi oo ay sheegtay in ay qabaan baahiyo kala duwan.




Sidoo kale xubnahan dhalinyarada ah ayaa waxay booqdeen qaybaha kala duwan ee cusbitaalkaasi intii ay halkaasi ku sugnaayeen, iyaga oo u kuurgalay xaalada nololeed ee ay ku jiraan dadka dhimirka ka buka ee ku jira cusbitaalkaasi.




 




Gabagabadii ayaa marwo Ifraax waxay ugu baaqday dadka reer Somaliland guddo iyo dibadba in ay ka war hayaan dadka walaalahood ah ee dhimirka ka buka ee cusbitaalada  ku jira, isla markaana ay ka qayb qaataan in ay wixii kaalmo iyo caawimo ah ee ay awoodi karaanba gaadhsiiyaan dadkaasi kaskaxda ka jiran.




 




Gobanimonews/Hargaysa Office




khadar cabdi Muuse




 




khadarmuuse94@gmail.com