Pages

Sunday, January 12, 2014

Puntland: Madaxweyne ku-xigeenka cusub iyo siyaasiyiin la tartamay oo is-cafiyay


Garoowe(GNA)-Madaxweyne ku-xigeenka Puntland ee cusub Cabdixakiin Cabdillaahi Xaaji Cumar Camay, ayaa Maanta kulan hadhimeed ku qaabilay musharixiintii Doorashada Madaxtinimada ku hadhay, Xildhibaano iyo Odayaal dhaqameed.




Kulanka ayaa ka dhacay Hudheelka Rays ee Magaalada Garoowe, waxaana goob-joog ka ahaa dhamaan Musharixiintii Doorashada ka qayb galay ee hadhay.




Kulankan ayaa laysku dhaafsaday hadalo isugu jira Kaftan, duur xul siyaasaddeed iyo isa saamaxaad la xidhiidha utuntii loolanka Doorashada.




Musharixiinta shir hadhimeedka ka qayb-galay waxa ka mid ahaa Gen Cabdisamad Cali Shirre, Axmed Karaash iyo Dr. Maxamed Xirsi Ducaale, kuwaasoo dhamaantood ahaa musharixiintii u tartamay Madaxweyne ku-xigeenka.




Inta badan hadaladii laga jeediyay Shirka ayaa laysku saamaxay, iyadoo madaxweyne ku-xigeenka cusubi uu halkaasi ka balan qaaday inuu soo dhaweynayo siyaasiyiintii ay wada tartameen iyo kuwa xilalka dawladda haya.




Xubno badan oo ka mida Golaha wasiirrada ee wakhtigoodu dhamaaday iyo XIldhibaanada Baarlamanka ayaa iyaguna qayb ka ahaa dadkii kulankaasi ka qayb galay.




Nuxurka iyo ubucda wixii halkaasi lagaga wada hadlay ayaa ahaa sidii loo wada shaqayn lahaa, isla markaana Isbedelka siyaasaddeed hirgelinta Yoolkiisa looga wada qayb qaadan lahaa.




Waa kulankii ugu horeeyay ee dhex mara dhinacyadii Doorashada ku loolamay, ka sekow madaxweynaha cusub Prof Cabdiwali Maxamed Gaas iyo Madaxweynihii hore ee laga guulaystay Cabdiraxmaan Sheikh Maxamuud Faroole.




Gobanimonews




Garoowe Office




Email: editor@gobanimonews.com