Pages

Sunday, January 12, 2014

Puntland: Madaxweyne Gaas oo Wasiirro Xog-waraystay


Garoowe(GNA)-Madaxweynaha cusub ee Puntland Prof. Cabdiwali  Maxamed Gaas, ayaa Maanta qaabiley Wasiirradda Wasaaradaha waxbarashada iyo Caafimaadka, kuwaasoo uu ku jantay shaqo wanaag loogu sheegay.




Ilo-wareedyo aqalka Madaxweynaha u dhuun daloola ayaa Gobanimonews u sheegay in Madaxweynuhu kulankaasi oo ka dhacay gurigiisa warbixin kaga dhegeystay  Wasiiradda Wasaaradda Caafimaadka iyo Waxbarashada.




Faahfaahin dheeraad ah lagama hayo natiijada kulankaasi, hase ahaatee wararka ayaa intaasi ku daraya in Madaxweynuhu amaan balaadhan u soo jeediyay masuuliyiinta Wasaaradahaasi.




Madaxweyne Gaas ayaa wali ku hawlan u diyaar garowga inuu xilka si rasmiya ula wareego maalinta Berri oo Isniin ah.




Gobanimonews




Garoowe Office




Email: editor@gobanimonews.com