Garoowe(GNA)-Madaxweynaha cusub ee Puntland Prof Cabdi wali Maxamed Gaas, ayaa amar ku bixiyay inaan Hantida dawladda sifo ka baxsan nidaamka dawliga ah loo lunsan xiliga lagu jiro kala guurka siyaasadeed ee dalka ka dhacay.
Prof Cabdiwali Maxamed Gaas, ayaa 8 Janaury loo doortay Madaxweynaha Puntland, ka dib doorasho cod qarsoodiya ay ugu codeeyeen Golaha Baarlamanka Puntland, taasoo uu kaga guulaystay Madaxweynihii hore ee Gobolka Cabdiraxmaan Sheikh Maxamuud Faroole.
Shir Jaraa’id oo uu maanta ku qabtay Gurigiisa, waxa uu Madaxweynuhu Masuuliyiinta Dawladda iyo Shaqaalaha ku amray inay ilaaliyaan Hantida guud ee dawladda,sida qalabka Xafiisyada, Ciidanka iyo Gaadiidka kala duwan.
“qof kasta Hantida dawladda ee uu gacanta ku haya waa lagula xisaabtami doonaa ee waxaan u soo jeedinayaa Masuuliyiinta dawladda inay ilaaliyaan Hantida dawladda ee umadda loogu shaqaynayo”ayuu yidhi Prof. Cabdi wali Gaas.
Madaxweynuhu wuxuu amarkan si khaasa u faray Maamuladda Gobollada , Degmooyinka iyo Masuuliyiinta kale ee Xafiisyada dawladda ka shaqeeya, kuwaasoo uu u soo jeediyay inaanay dhayalsan Masuuliyadda ka saaran ilaalinta Hantida guud ee dalka, maadaama lagu jiro xili kala guur siyaasaddeeda.
“waxaa si gaar ah Maamuladda Gobollada iyo degmooyinka u farayaa inay xil iska saaraan ilaalinta Hantida dawladda, haday Gaadiid tahay iyo haday tahay qalabka xafiisyada dawladda yaala, ciidamo iyo masuuliyiinba fariintaas waxaan jecelahay inay sideeda u fuliyaan”ayuu hadalkiisa raaciyay.
Hadalkan Madaxweynaha ayaa ku soo aadaya xili Maanta Xafiisyada dawladda dib loo furay, isla markaana shaqadu uga bilaabantay si teel teela oo aan firin-fircoonayn, ka dib todobaadkii ugu dambeeyay ee doorashadu socotay markii shaqaaluhi fasax galeen, marka laga reebo xarumaha adeega joogtada ah oo shaqeynayay.
Wariye ka tirsan Gobanimonews oo saaka booqday qaar ka mida xafiisyada Dawladda ayaa la kulmay shaqaale kooban oo xafiisyada qaarkood ka shaqayanaya.
Hase ahaatee hadalka madaxweynuhu wuxuu sii xoojinayaa dareemo labadii habeen ee ugu dambeeyay Magaalada Garoowe si weyn looga hadal hayay, kaasoo sheegayay in Ciidamada qaarkood Madaxweynihii hore doonayaan inay raacaan, isla markaana la goostaan gaadiid iyo Hub.
Dhinaca kale, wararka ka imanaya magaalada Boosaaso ay sheegayaan in shalay la weeraray Xarunta Madaxtooyada ee Magaaladaasi, lagana qaatay agab faro badan, taasoo ay si weyn uga xumaadeen shacbiga reer Puntland, siina xumaysay talaabo laba habeen ka hor ciidamada ilaalada ahaa looga kaxaystay Madaxweynaha iyo ku-xigeenka cusub.
Dadka Reer Garoowe ayaa qaarkood aaminsanyihiin in xiliga kala guurka ay Madaxda xilka wareejinayaa ka faa’idaystaan inay Lunsadaan Hanti fara badan oo Dawladdeed, taasoo dareenka Bulshada ku kooban, hase ahaatee aanay ilaa hada ku caddeyn madaxda, inkasta oo dhacdooyinka labadii maalmood ee ugu dambeeyay dhacay dhinaca maamulkii hore loo tirinayo.
Madaxweynaha iyo ku-xigeenka cusub ee Puntland ayaa la filayaa inay Maalinta Isniinta ah ee todobaadkan xilka si rasmiya ula wareegaan.
Dadka reer Puntland ayaa si weyn ugu dhegtaagaya xil wareejinta isbedelka labada Maamul ee waddanka, taasoo ah mid lagu soo afjarayo sooyaalkii Doorashada Madaxtinimada ee Gobolka.
Madaxweynaha cusub ayaa sidoo kale laga sugayaa inuu soo magacaabo Golle wasiirro ah oo cusub, si u dhamaystiro hogaamintiisa siyaasaddeed ee doorashada ku timi.
Gobanimonews
Garoowe Office
Email: editor@gobanimonews.com