Waxaan filayaa inaynu isla garanay wax yaabaha aan qormooyinkii hore ku iftiimiyay jiritaan-koodu yahiin wax la taaban karo oo aanay xukuumada Axmed-siiraanyo dafiri Karin.
Hadaba,shirka 5aad ee ay labada wafti u fadhiyaan magaalada istanbuul ee Turkiga waa mid ka duwan shirarkii hore.Waxaanu kaga duwan-yahay:
1.Waftiga J.Somaliland waxuu ka kooban-yahay wasiiro iyo 2ba wakiil-kulmiye.
2.Waftiga Soomaaliya waxuu ka kooban-yahay wakiilo+Wasiir aan la ansixin.
3.Qodobadii hore+agende cusub.
Aragtida shirka ku daahan waxa aynu garan karaa inaanay wax u faaido ah J.Somaliland ka soo baxi doonin.Waayo,mar hadii qodobadii hore aanay waxba ka fulin,agende cusub-na la samay-nayo,wakiilo aan arrinka waxba kala socon-na ay metelayaan Soomaaliya waxa laga filaa waa nabadeey iyo shirka danbe.Waftiga J.Somaliland Iyana waxay la soo noqon doonaan uun(Si meeqaam sare ah ayaa naloo soo dhoweeyay).
Weliba Waftiga J.Somaliland qudhoodu waxay ka amba baxeen dawlad sidii laanta lebiga lul-maysa iyo xisbi-goodii kulmiye oo shirweynahii qabsan kari waayay.Halis-na ku jira inuu sidii UDUB saqiiro oo uu sharciga xisbiyada u yaal waydaarto,yac-ni muddo dhaaf,dabeetana seefta gudida diiwaan gelintu la tagto.
Aan dib ugu laabto wada hadalada Turkigu ka wado labada dal ee J.Somaliland iyo Soomaaliya waxa uu ku aroorayaa in gobolada deggan ee maamul ka jiro sida Somaliland,puntland,banaadir iyo gobolada dhexe loo tabo baro sidii loogu soo dabaali lahaa midnimada Soomaaliya,looguna xaroon lahaa federal-ka Soomaaliya.Taasina waa mid ka fog aayaha iyo himilada Shacabka J.Somaliland ka filaayay dawlada Axmed-siiraanyo inay ka tarjunto rabitaankooda oo ah aqoonsi.
Markaa waxay ku qotontaa dhex-dhexaadinta Turkiga ee Jamhuuriyada Somaliland iyo Soomaaliya laba qodob:
1.Fulinta danaha reer galbeedku ka leeyihiin Soomaaliya.
2.Dhamays-tirka midnimada Soomaaliya.
Markay sidaa tahay waxa J.Somaliland u roon inay dal kale ka raadiso aqoonsiga shacabku 22ka sanno u harraadan-tahay.
Dhamaad.
Xuseen Xasan badmaax
Hargeysa/JSL