Saturday, January 4, 2014

Maxaa loo diidaya in la xuso mowliidka nebigeena Muxammad NNKH?


Bisha Rabiicul Awala ama waxa aynu u naqaano Mowliidka oo aynu ku jirno ,waxay dad badan oo muslimiin ah isku diyaarinayaan bisha marka ay tahay 12-ka in ay xusaan oo ay u dabbaaldegaan  dhalashada nebi Muxammad sallallaahu caleyhi wasallama iyagoo samaynaya xaflado iyo nebi ammaan,hayeeshe inta ayanan u gudagelin ka hadalka xuska mowliidka in la oggol yahay iyo in kale,aan marka hore xooga dulmar ku samayno,taariikhda nebiga sallallaahu caleyhi wasallama oo kooban,nebigu wuxuu dhashay bishii mowliid (Rabiicul awwal),sida ay dad badan oo culumo ahi qabaan,aabbihii wuxuu geeriyooday nebiga oo aan dhalan, hooyadiina waxay geeriyootay rasuulka oo lix jir ah,waxaana markaasi barbaarintiisa la wareegay awowgii Cabdulmudhalib oo boqol jir ahaa,markuu geeriyoodayna waxaa korriimadiisa la wareegay adeerkiis abu Dhaalib,halkaas oo uu rasuulka ka helay barbaarin wanaagsan ilaa uu ka noqdo qof awood u leh ganacsiga kuna soo caan baxay ammaanada, runta iyo daacadnimoda ilaa ay Khadiija binti Khuweylid oo maal lahayd caana ka ahayd reer quraysh ka maqasho daacadnimada nebiga markaana ay ku aaminto maalkeeda si uu ganacsi ugu sameeyo,waxayna safarada raacsiin jirtay Maysara oo ahaa addoon ay Khadiija haysatay.




 Maxamadeyn




 



Nebi Muxammad sallallaahu caleyhi wasallama wuxuu ganacsigii ka soo hooyay guulo waaweyn ilaa ay Khadiija ka jeclaato, waxayna markaasi u dirtay saaxiibteeda Nafiisa si ay nebiga u wargeliso in Khadiija ay ka heshay nebiga,guurna ay ka doonayso, iyadoo waa Khadiije ay carmal (garoob) ahayd,gaashaankana ku dhufutay niman badan oo lacag lahaa oo soo doonteen,nebigu markuu guursanayay Khadiija wuxuu jiray 25 sano,Khadiijana waxay jirtay 40 sano,gurigiina wuxuu noqday guri barako leh oo farxad leh,awlaaadna (carruur) Allah waa kala siiyay,ganacsigiina wuu u sii laballaabmay.




 




Haddii aan ka hadalno xuska loo samaynayo mowliidka rasuulka sallallaahu caleyhi wasallama,waxaa la oran karaa,taariikhduna ay sheegaysa in aysan jirin cid ugu horraysay Faatimiyiintii u dabbaaldegi jirtay xuska dhalashada nebi Muxammad sallallaahu caleyhi wasallama,waxayna Faatimiyiintaasi dalka Masar ka samayn jireen,xaflad aad u ballaaran oo lagu xusayay mowliidka nebiga, waxayna diyaarin jireen xalwo iyo waxyaabo kale oo macmacaan ah,dabadeedna waxay u qaybin jireen dadka ka soo qaybgala xafladda.




 




Faatimiyiintii soo gashay dalka Masar kana timid Marooko waxay ahaayeen kuwii ugu horreeyay ee dhalashada nebiga u sameeya xaflad,waxaana hoggaaminaayay Jowhar Al-Siqili waxayna Faatimiyiintaasi isku tirinayeen,macnaha waxay u nasab sheeganayeen in ay ka soo jeedaan Faatima Allaha ka raalli noqdee oo ah gabadhii rasuulka sallallaahu caleyhi wasallam iyo xaaskii Cali bin abii Dhaalib Allaha ka raalli noqdee,waxayna Faatimiyiintaasi aad u xiisayn jireen munaasabooyinka islaamka,gaar ahaan munaasabada dhalashada nebiga, waxayna ahayd markii ugu horraysay ee ay nebiga xaflad u sameeyaan sannadkii 973 ee hijriya, waxayna Faatimiyiintaasi Masar xukumi jireen 357-567 ee taariikhda hijriya.




 




Faatimiyiintaas oo shiico ahaa waxay kaloo dalka ka samayn jireen xaflado kale sida: sannadka cusub,maalinta Caashuura’, dhalashada Cali bin abii Dhaalib,kowda Shacbaan,15ka Shacbaan,maalinta Neyruus,dhalashada Al-Masiix,macnaha nebi Ciise caleyhissalaam iyo kuwo kaloo badan,Napoleon Bonapart oo Franasiis ahaa ayaa isaguna aad u xiisayn jiray xuska mowliidka, wuxuuna bixin jiray maal badan,wuxuu kaloo bixin jiray durbaano iyo qalab muusikada lagu garaaco marka nebiga la xusayo oo loo dabbaaldegayo,waxayna ujeeddadiisu ahayd in shacabka Masar uu jeclaysiiyo Franasiiska.




 




Waxaa kaloo xafladahaasi lagu arkaa in koox ahaan loo gabyayo durbaana lagu garaacayo iyo waxa la mid ah oo badan oo giddi dhaqan u ah ahlu bidciga,kuwaasoo u haysta,macnaha ictiqaadsan sababta ay sidaasi u samaynayaan in ay tahay jacayl ay u qabaan nebi Muxammad sallallaahu caleyhi wasallama,taasina waa jaahilnimo kaga sugan xagga jacaylka nebiga weeyaan,waxaa kaloo dhici karta in xafladahaasi ay isugu yimaadaan niman iyo naago halkaasina ay ka dhalato is dhexgal oo aan la kala xishoon,dabadeedna ay ka dhalato fidno, xataa haddii aan xafladahaasi la samayn,macnaha aan lagu arag waxyaabahaa aan soo sheegnay oo markaasi lagu soo koobo kulan iyo cunto iyo muujin farxad sida ay leeyihiin, waxaa markaasi caddaanaysa in uu yahay fal bidco ah oo aan asal ku lahayn kitaabka iyo sunnaha laguna arag dadkii hore ee wanaagsanaa.




 




Xusidda iyo ka sheekaynta siirada nebiga sallallaahu caleyhi wasallama kuma koobna hal habeen iyo hal saac oo lagu gabyo durbaana lagu garaaco (tumo),balse waxaa loo baahan yahay in markasta laga sheekeeyo,masaajiddada iyo meelaha wax lagu bartana lagu hadal hayo,nebigu wuxuu mudan yahay ku dayasho wanaagsan,wuxuu tusaale fiican u ahaa qoyska wanaagsan ee uu islaamku ku taagan yahay,wuxuu ahaa aabbe wanaagsan oo naxariis badan, wuxuu dhowri jiray oo uu ilaalin jiray qoyska karaamadiisa iyo degganaanshihiisa.




 




Waddamo badan oo islaamka ka tirsan baa looga dabbaaldega xuska mowliidka waxaana waddamadaasi ka mid ah:Suudaan oo ay suufiyiintu ku badan yihiin,magaalooyin badan oo dalkaasi ka mid ah,waxaa lagu ifiyaa nalal midabo badan leh,waxaana magaalooyinkaasi lagu shidaa foox,gaar ahaan xeryaha ku caansan suufiyada,meel walbana waxaa ka yeeraya sawaxan,macnaha qaylo nebi ammaan ah iyadoo lagu garaacayo durbaano,waxaana xeryahaasi ka dul babbanaya calamo midabo leh oo lagu dul qoray magaca Alle iyo magaca rasuulka iyo magaca dariiqada ama kooxda suufiyada,waxaana xafladahaasi dhammaantood lagu gowraca xoolo badan,waxaa kaloo meelahaasi lagu akhriyaa waxyaabo khuraafaat ah oo wada shirki u badan.




 




Nebiga sallallaahu caleyhi wasallama waxaa laga soo weriyay sida ku xusan labada sheekh saxiixooda,soona werisay Caa’isha Allaha ka raalli noqdee:qofkii diinteena ku soo dara waxaan horay ugu jirin waa lagu celinaya,macnaha lagama aqbalayo,Allah wuxuu yiri:maanta ayaan idin dhammaystirnay diintiina,waxaana idin taam yeelnay nicmadeyda,waxaana idin doortay oo aan raalli idinkaga noqday islaamka,diin ahaan (suuradda Al-Maa’ida aayad lambar 3),musnadka imaam Axmed iyo sunnooyinka abu Daawuud,Tirmidi iyo ibnu Maaja, waxaa ku xusan xadiis uu soo weriyay Cirbaad bin Saariya Allaha ka raalli noqdee,kaasoo sheegaya in nebiga sallallaahu caleyhi wasallama uu yiri:waxaan idin kaga digaya waxyaabaha gadaal diinta looga soo dari doono,wax kasta oo diinta lagu soo kordhiyana waa bidco,bidco kastana,macnaha bidco oo dhammi waa baadi,sheekh Albaani wuxuu xadiiskan uu ku saxiixay kitaabkiisa saxiixul jaamic.




 




Kuwa u dabbaaldega xuska mowliidka waxay doonayaan in ay ku qaraabtaan oo ay wax ku cunaan magaca diinta,naagaha ka soo qaybgalayana ay ku daawadaan,dumarkuna waxay rumaysan yihiin in imaanshahooda goobta xafladda lagu samaynayo mowliidka ay khayr tahay oo ajar lagu helayo,waxaa taasi ka sii daran in haweenayda imaanayso meesha lagu xusayo mowliidka ay isku soo qurxinayso dahab iyo dhar isna soo carfinayso,halkaasina ay kaga hor-imaanayso sunnaha rasuulka sallallaahu caleyhi wasallama, waxaa kaloo la arkaya in dumarkaasi markay indhaha saaraan sheekhooda ay kula ordaan salaan iyagoo gacmahooda isaga daboolaya,macnaha ku huwinaya maro,dabadeedna waxay leeyihiin:sheekhii baan salaamaya yaanan weesada ka jebin,isagiina waa siduu rabaye gacantiisa ayuu gelinaya.




Waxaase nasiib xumo ah  in ninkaas iyo naagtaas oo gacanta is gelinaya aanay garanayn in gacan is gelidda nin iyo naag ay xaaraan tahay,ama maro ha isaga xijiso ama yaysan isaga xijinine,waana tii uu rasuulkeena Muxammad sallallaahu caleyhi wasallama uu yiri,sida ku xusan sunnooyinka Tirmidi,ibnu Maaja iyo Nasaa’,soona werisay Umayma binti Ruqayqa Allaha ka raalli noqdee:anigu ma salaamo,macnaha anigu gacanta ma geliyo dumarka, waxaase dhici karta in ninka iyo naagta gacmaha is geliya oo maro isaga huwiya marka ay isa salaamayaan ay ku raran yihiin xadiis daciif ah oo sheegaya in nebiga uu dumarka ka salaami jiray maro hoosteeda,macnaha wuxuu marka hore gacantiisa ku huwinaayay maro dabadeedna wuu salaami jiray,sheekh Albaani ayaana xadiiskan ku daciifiyay kitaabkiisa daciiful jaamic.




 




Kuwa u soo ordaya ka qaybgalka xafladda mowliidka,waxaa dhici karta in ay shirki ku jiraan,waxaa dhici karta in ay separate yihiin,waxaa dhici karta in ay ribo cun yihiin,waxaa dhici karta in ay dadka dulmiyaan,waxaa dhici karta in ay maalin walba dadka xantaan iskuna diraan,waxaa dhici karta in aysan garanayn sida saxda ah ee loo tukado,waxaa dhici karta in aysan toban aayadood oo qur’aanka ah kor ka haynin,waxaa dhici karta in aysan  shan xadiis oo saxiix ah aysan kor ka haynin,waxaa dhici karta in aysan kor ka haynin 10 ka mid ah magacyada Allah,waxaana dhici karta in aysan kala saari karin xalaasha iyo xaaraanta.




 Dadka qaarkii oo ahlu cilmiga ah waxay qabaan in nebiga sallallaahu caleyhi wasallama uu dhashay maalin isniin ah oo ay ku beegnayd 12ka mowliid,qaar kalena oo culumada ka tirsan waxay qabaan in nebiga uu dhashay 9ka mowliid,sidaas daraadeed, dabbaaldegga 12ka mowliid ma’ahan wax asal ah haddii loo eego taariikh ahaan,sharci ahaan haddii loo eegana ma’ahan wax sharci ah oo asal ku leh diinta islaamka,hadduuse ka mid ahaan lahaa sharciga Allah waxaa samayn lahaa nebiga dabadeedna ummaddiisa ayuu gaarsiin lahaa.




Waxaa kaloo mucjiso ah,marka laga sheekaynayo qisada dhalashada nebiga gaar ahaan marka ay yiraahdaan:wuxuu Mustafa dhashay,dadkoo dhan wey wada istaagayaan iyagoo leh:ruuxii rasuulka ayaa yimid,waxaana u istaagayna weynayn aynu weynaynayno,taasina waa arrin jaahilnimo ah,kamana mid aha akhlaaqda nebiga in ay u istaagaan,maxaa yeelay rasuulku wuu nebcaa in loo istaago isagoo nool,asxaabtiisana oo ay aad u jeclaayeen kuna adkaa weynaynta rasuulka uma istaagi jirin isagoo nool,maxaad u malaysay markaasi mala’awaalkan (fiction) ay samaynayaan kuwa u dabbaaldegaya mowliidka.




Culumada waxay kaloo sheegeen:qofkii yiraahda:nebiga waa kan horreeya waana kan danbayn,waa kan muuqda waana kan qarsoon,wax walbana wuu ogyahay,waa nin ku sifoobay gaalnimo,haddii uu muslim ahaana wuu riddoobay,sifooyinkaasina waxay u gaar tahay Allah, rasuulkana ma oga wixii uu Allah baray oo uu faray mooye,Allah wuxuu yiri:waxaad dhahdaa ma oranayo waxaan haystaa khasnadaha Allah,mana ogo cilmul ghaybka,mana oranayo waxaan ahay malag 9suuradda Ancaam,aayad lambar 50),qaar ka mid ah ahlu cilmiga waxayba sheegeen in waqtigii ugu horreeyey ee la bilaabay xuska mowliidka ay ahayd boqolkii sano afaraad ee geerida nebi Muxammad sallallaahu caleyhi wasallama kaddib, dabadeedna waxay bidcodaasi ku faaftay dad badan oo muslimiin ah.




Qofka caqliga lihi,ma’ahan in ay khiyaamayso dadka badan waxa ay sameeyaan,xaquse ma yaqaano tiro dad badan ah waxa ay sameeyaan,balse wuxuu yaqaana wixii caddeemo ah oo sharci ah,Allah wuxuu yiri:waxay yiraahdeen,jannadu geli maayo qof aan ahayn Yuhuud ama Nasaara,taasina waa yididdiilo been ah,waxaad dhahdaa keena,macnaha la imaada xujadiina haddii aad tihiin kuwo run sheegaya (suuradda Al-Baqara,aayad lambar 111),Allah wuxuu kaloo yiri:haddii aad maqasho,macnaha aad adeecdo waxa dhulka ku sugan badankooda, waxay kaa lumin oo kaa baadin jidka Allah (suuradda Al-Ancaam,aayad lambar 116).




Haddii ay dhab naga tahay,jacaylka nebiga waxaa innagu waajibta in aan ku camal falno wixii uu nagu amray nebigeena sallallaahu caleyhi wasallama kana fogaano wixii uu nooga digay,Allah wuxuu yiri:waxaad dhahdaa (Muxammadow) haddii aad tihiin kuwo jecel Allah i soo raaca,Allaha idin jeclaadee (suuradda Aali-Cimraan,aayad lambar 31),waxaana arrin lala yaabo ah:in khayrka lagu sheegayo xuska mowliidka uu ka dahsoonaa,macnaha ka qarsoonaa rasuulkeena iyo asxaabtiisa.




Busiiri oo ah ninkii alifay qasiidada burdada,wuxuu qasiisadiisa ku sheegay wax munkar ah,waxaana ka mid ah:kan uunka ugu khayr badan,ma lihi cid aan u irkado (irkasho,waxaa loola jeeda kol danbe wax ka dheefid ama u aayid),adiga mooye,markii ay dhacaan dhibaatooyinka khatarta ah ee lagu wada baaba’o,meel kale wuxuu Busiiri ku leeyahay: waxaad leedahay nebiyow adduunka iyo waxa ku jira,culuuntaadana waa cilmiga looxa iyo qalinka,taasina waa been abuur iyo shirki cad ah weeyaan.




Haseyeeshe sida ku xusan saxiixu Muslim,soona weriyay abu Qataada Allaha ka raalli noqdee,wuxuu sheegaya in rasuulka sallallaahu caleyhi wasallama la weydiiyay soonka maalinta isniinta,wuxuuna ku jawaabay:waa maalintii aan dhashay layguna soo dejiyay, macnaha qur’aanka weeyaan,sidaas daradeed arrinkani lagama soo qaadan karo in sannad kasta la xuso nebiga sallallaahu caleyhi wasallama,balse haddii ay dhab naga tahay jacaylka rasuulka sallallaahu caleyhi wasallama waa in aan isniin kasta soona.




Maxamedeyn




Den Haag/Holland




Waa inoo mowduuc kale iyo markale inshaa Allah