Pages

Tuesday, January 14, 2014

Maddaxwaynaha oo ka dalbaday xamarji inuu ka noqdo is casilaadiisa iyo maddaxtooyada oo ay ku qulqulayaan shaqsiyaad tartan ugu jira buuxinta jagadan.


download (1)Badhasaabkii Gobolka Togdheer Axmed Cumar X.C/laahi oo dhawaan warqad is casilaad ah u gudbiyay Madaxwayne siilaanyo ayaa ilaa shalay markii uu madaxwaynuhu kasoo laabtay safarkii uu dalka itoobiya ku tagay markii ugu horaysay Badhasaab xamarji ka codsaday inuu dib uga noqdo iscasilaadiisa,waxaanu madaxwayne siilaanyo ilaa shalayto isaga daba dirayay ergo tiro badan kuwaaso kadalbaday inuu xamarji dib uga laabto iscasilaada uu qoray maadaama ay arintani fawdo ku keentay isla markaana ilaa maalmahanba Madaxtooyada ay buuxiyeen shaqsiyaad iyo beelo kala duwan oo doonaya inay Buuxiyaan jagadaas uu baneeyay xamrji,waxaa sidoo kale wararka arintaas ku saabsani ay sheegayaan in ay iyadana ay madaxtooyada saamaynta ay arintani ku keentay ay ka mid tahay inay dhamaanba wax ka bedesho isku dedelkii badhasaabada.
waxaanu Badhasaab xamarji mar aanu la xidhiidhnay sheegay inaanu iscasilaadan  ka noqondoonin.Si kastab ha ahaatee xiligan oo ay gobolka ka jiraan duufaano siyaasdeed oo dhawaan uun kuwii ugu danbeeyay ay sababeen mudahaarado ayuu bdhasaab Xamarji kaga siibtay fara fayaw waxaana lagu xasuustaa Badhasaab Xamrji intii uu xilka hayay Dulqaad iyo afgaabnaan.
 




Axmed Muuse Maxamed (Sakaaro)