Hargeysa(GNA)-Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Silaanyo ayaa maanta u dhoofay dalka Faransiiska, halkaasoo uu booqasho ku tegayo.
Waa booqashadii ugu horeysay ee uu waddanka Faransiiska tego, tan iyo markii xilka madaxtinimada uu qabtay saddex sanadood iyo badh ka hor.
Madaxweynaha ayaa maarti-qaadka uu soo gaadhsiiyay bishii May Safiirka Faransiiska u fadhiya Kenya Etiennce De Poncins, kaasoo booqasho ku yimi Magaalada Hargeysa horaantii sanadkii 2013, ka dibna madaxweynaha kula kulmay qasriga Madaxtooyada ee Somaliland.
Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa xiligaasi dawladda Frances-ka ku amaanay wada-shaqaynta ka dhaxaysa dalkiisa, taasoo inta badan ku taxaluqda arrimaha amaanka Baddaha, siiba la dagaalanka Budhcad-badeeda oo uu Safiirku si weyn ugu saantay waxyaabaha ay Hargeysa horumarka ka gaadhay.
Ambasador Etiennce De Poncins, ayaa sheegay inay Paris xidhiidh wada shaqeyneed iyo taageero toos ah u furayso dawladda Somaliland, taasoo ahayd arin si weyn xukuumadda Madaxweyne siilaanyo u soo dhaweysay.
Ma cadda Miisaanka iyo maamuuska ay madaxda Faransiisku ku qaabili doonaan madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo oo ay booqashadani noqonayso tii ugu horaysay ee uu ku tago dalkaasi oo ka mid ah waddamada Midowga Yurub ee saameynta siyaasadeed ku leh Geeska afrika.
Bishii ugu dambeysay ee sanadkii 2013-ka ayay ahayd markii madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Markab dushii kula kulmay saraakiil sar sare oo ka socda dawladda Faransiiska duleedka Dekedda Berbera, kuwaasoo balanqaaday inay Xafiiska la dagaalanka budhcad badeeda ka furanayaan magaalada Hargeysa.
Mar uu warbaahinta kula hadlay Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Hargeysa waxa uu sheegay inuu safarkiisan rejo wanaagsan iyo guul siyaasadeed ka filayo.
Waxa uu intaasi raaciyay inuu uga sii gudbi doono Faransiiska Dalka Ingiriiska oo uu isna booqasho ku tegayo.
Si rasma looma cadeyn karo waxyaabaha ay xaqiiqiyan safaradan madaxweynuhu la xidhiidhaan hase ahaatee warar muddo ka hor soo baxayay ayaa sheegaya inay shirkad laga leeyahay ddalka Faransiisku doonayso inay maalgashi ku samayso Dekedda Berbere.
Waxa suuro gal ah in qorshaha safarkiisu arrintaasi salka ku hayo.
Gobanimonews
Hargeysa Office
Email: editor@gobanimonews.com