Saturday, January 18, 2014

Madaxweyne Siilaanyo oo la filayo inuu Badhasaab cusub u magacaabo Togdheer


images (3)Hargeysa(GNA) Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa caawa badhasaab cusub u magacaabay gobolka Togdheer kaasoo laga dhigay Maxamed Muuse Diiriye, Maareeyihii hore ee Telefishanka Qaranka xiligii UDUB.




 




Madaxweyne Siilaanyo ayaa ka aqbalay istiqaaladdii Axmed Cumar X C/laahi Xamarji oo iscasilaad toddobaadkan gudihiisa u gudbiyey Madaxweynaha kaasoo uu kaga cudur daartay arrimo u gaar ah.




 




Maxamed Muuse Diiriye ayaa ahaa siyaasiyiintii ugu mayalka adkayd xukuumaddii Daahir Rayaale Kaahin, hase yeeshee saaxada kamuu muuqanin tan iyo intii Kulmiye xilka la wareegay.




 




Maxamed Muuse Diiriye ayaa in badan soo ahaan jiray Xildhibaan ka tirsanaan jiray Golaha wakiiladda Somaliland ka hor intii aan la dooran Golahan cusub ee sideeda sano doorasho la’aan kuraasta iska fadhiya.




 




Warar hordhac ah oo aanu ka helnay magacaabista Badhasaab Maxamed Muuse Diiriye ayaa sheegaya in Madaxweynuhu ku dhawaaqay caawa.




Gobanimonews-Desk




Hargeysa/Somaliland