Sunday, January 19, 2014

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland oo Kismaayo u baxay


Garoowe(GNA)-Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Cabdixakiin Cabdilaahi Xaaji Cumar camay iyo wefti uu hogaaminayo oo ka socda dawlad Goboleedka Puntland, ayaa Maanta u dhoofay Magaalada Kismaayo ee xarunta Maamulka Jubaland, halkaasoo ay ka dhacayso 20/1/2014 munaasibad loogu wanqalay Jubaland.




Jubaland ayaa sanadkii hore dabayaaqadiisii lagu aasaasay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Somalia, halkaasoo lagu qabtay Shir dib u heshiisiineed oo dhidibada loogu taagay Maamulka Jubbooyinka.




Weftiga Madaxweyne ku-xigeenka waxa xubno ka ah xildhibaano iyo Masuuliyiin kale oo dawlada Puntland ka tirsan, waxaanay ka dhoofeen Madaarka Diyaaradaha ee Magaalada Gaalkacayo.




Cabdi-xakiin Camay, ayaa bishan Janaury 8 loo doortay Madaxweyne ku-xigeenka Puntland, isagoo Madaxweyne ku-xigeena u ah Cabdiwali Maxamed Gaas.




Waa markii ugu horaysay ee uu safarka kaga baxo dalka tan iyo markii xilkaasi uu qabtay.




Qaabanada munaasibadda Wanqasha Jubaland, ayaa si weyn uga socota Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka.




Weftiga Reer Puntland ayaa qayb ka ah wufuud kala duwan oo lagu wado inay munaasibadaasi ka qayb galaan.




Gobanimonews




Garoowe Office




Email: editor@gobanimonews.com