London-(GNA)-Safaaradda Dawladda federaalka Ethoobiya ay ku leedahay dalkan Ingiriiska gaar ahaan magaaladda London waxa shalayto ka dhacay kulan aad u balaadhan oo ay soo buux dhaafiyeen boqolaal Qurba-Jooga dawlad degaameedka Soomaalida Ethoobiya ee ku nool daafa dalka Ingiriiska. Waxa madasha kulanku ka dhacay joogay oo dad weynahu ay kulamo la qaadanayeen Madaxweynaha dawlad degaameedka Soomaalida Etoobiya Mudane Cabdi Maxamed Cumar oo dhawr cisho safar ku joogay dalkan Ingiriiska.
Kulamada uu madaxweynahu la qaadanaayey jaaliyadda Qurba-jooga dawlad degaaneedka Soomaalida Etoobiya ee dalkan Ingiriiska ayey kusoo bandhigayeen mahadnaq ay ku hambalyeynayaan sida wacan ee madaxweynahu uu dadkiisa ugu marti qaaday in uu la kulmo oo uu dhagaysto cabashooynkooda iyo in ay wax badan ka ogaadaan horumarka degaanka ka socda. Dadka badankoodu waxa ay aad ugu amaaneen uguna duceeyeen horumarka aadka u weyn ee ka socda degaanka oo marba marka kasii danbeeya sii kordhaaya.
Waxa kale oo dadweynahii uu la kulmay ay madaxweynaha ka codsadeen waxyaalo fara badan oo u baahan in degaanka laga qabto,sida Caafimaadka,Biyaha,Waxbarashada iyo arimo badan oo ku saabsan arimaha Bulshada,waxa uuna madaxweynahu meel ku qoranaayey rayiga dadweynaha iyo araahda ay soo jeedinaayeen.
Qurba-jooga kulanka maanta kasoo qayb galay oo aad u fara badnaa, waxa dadku ay u dhabar adaygeen inay in badan sugaan dadka oo badnaa awgeed si ay ula kulmaan Madaxweynaha iyo weliba inay isla sawiraan .
Dadka wajiyadooda waxa ka muuqatay farxad aad u badan oo ay soo dhaweynayaan horumarka aadka u balaadhan ee dawlad degaaneedku ku talaabsaday iyo weliba sida uu u kor ugu socda. Mudane Madaxweyne Cabdi Maxamed Cumar waxa uu dhamaan dadkii kulanka kasoo qayb galay uga jawaabaayey su’aalaha ay qabeen ee ay doonayeen inay madaxweynaha weydiiyaan aadna wey usoo dhaweeyeen.
Madaxweynaha dawlad degaaneedka Soomaalida Etoobiya Mudane Cabdi Maxamed Cumar runtii waa nin dhalinyaro ah ,Aqoonyahan aadna u dabeecad wanaagsan ,Markii aan u kuur galay sida uu dadka ula dhaqmaayo waxa uu yahay nin aad u qiimo badan oo ah in dhamaan shacabka Soomaalida meelkastaba oo ay joogaanba ah in ay ka faa’ideystaan. Hamigiisa dhaw iyo kan fogiba waxa uu yahay nin rajo weyn ka qaba in uu wax weyn ka qaban karo dhamaan dawlad dagaaneedka Soomaalida Etoobiya.Waxaana inagu waajib ah in in gacan lagu siiyo dedaalka uu wado Ilaahayna waxaan uga baryaynaa in uu arinkaa uu wado u fududeeyo.Waxa maalinta beriyana oo ah maalin khamiis ah 16.1.14 uu la kulmayaa Qurajooga doonaya in ay maal gashi ku sameeyaan degaanka tasoo ay in laga qayb galo.
Waxa kale oo kulanka goobjoog ka ahaa madaxdii ku wehelisay safarkan oo ay ka mid ahaayeen Wasiirka Beeryaha Cabdirisaaq Cali Bashe iyo Wasiirk kuxigeenka Qurbajooga ee dawlad degaaneedka Soomaalida Etoobiya



















