Pages

Thursday, January 16, 2014

Madaxweyne Gaas: Golaha Wasiirrada ee Xukuumaddayda kuma xulanayo Qabiil”


Madaxweyne Gaas iyo Camay ma ka soo bixi doonaan balan-qaadyadii ay fidiyeen? Warbixin Wariye SCC.




Garoowe-16.01.2014(GNA)-“Puntland noqon mayso meel gobolba meel ku xidhanyahay ee waxaan ka shaqaynayaa sidii aannu u miday lahayn”sidaasi waxa fagaare ka sheegay bishii December madaxweynaha hada talada puntland la wareegay Cabdiwali Maxamed Gaas oo barmaamuj ollole doorasho ah ku joogay Magaalada Badhan ee xarunta Gobolka Sanaag Barri (Maakhir).




Cabdiwali Maxamed Gaas oo ah musharixii ugu dhaqdhaqaaqa iyo booqashada badnaa Gobollada dalka Ololihii doorashada musharixiintii loolamaysa, ayaa talada maamulka puntland la wareegay 15 Bishan Janaury oo ku beegnayd arbacadii la soo dhaafay, ka dib markii uu faro cididooda kaga guulaystay madaxweynihii hore Cabdiraxmaan Faroole.




Dadka reer Puntland ayaa aragtiyo kala duwan ka bixinaya hanashadiisa hogaaminta dalka iyo halka uu wax u dhaqaajin  doono oo ay saadaal ka bixinayaan.




 hase ahaatee hawsha ugu badan ee hor taalaa waxay tahay  sidii uu u fulin lahaa “cahdiyadii” uu la galay bulshada ku dhaqan Gobollada oo dhan xiligii Ololaha Doorashada.




“waxaan wax ka qaban doonaa Dhaqaalaha bur-buray ee Puntland, Caafimaadka, waxbarashada iyo shaqo la’aanta”ayuu sidoo kale ka sheegay kulamo uu Boosaaso, qardho iyo Garoowe kula yeeshay Taageerayaashiisa aan fursadda u helin inay u coddeeyaan.




Hir-gelinta Shuruuc iyo xeerarka dalka u horseedda dhamaystirka nidaamka dawladnimo, dib u dhiska dhaqaalaha Gobolka, dib u eegis lagu sameeyo qaabka ay ciidamadu u hawl-galaan iyo hanaan siyaasaddeed oo ka hufan maamulkii Faroole, lana jaanqaadi kara Dawladda Federaalka ayaa ka mida waxyaabaha ugu waaweyn ee Prof. Gaas looga fadhiyo inuu ka shaqeeyo.




Hase ahaatee arimahaasi waa kuwo intooda badan ku xidhan, hadaba siduu u helo xukuumad tayo leh oo wadar iyo waaxidba u waajihi karta wax kasta oo qorshaha shanta sanadooda ku jira, waxaanu hore u balan qaaday “Wasiirrada xukuumaddayda kuma xulan doono reernimo ee waxaan ku soo xuli doonaa aqoon, karti iyo daacadnimo”ayuu fagaareyaasha ka sheegay .




Taasi waa arrimaha ugu culus ee wax layska waydiin doono, ka hor intaanu magacaabin gollihiisa Wasiirrada ee cusub , waxaase xaqiiqo lama dhaafaan ah in laga sugayo Xukuumad saami ahaan dadka reer Puntland oo dhami iska dhex arkaan (Saami-qaybsiga Beelaha), taasoo la’aanteedu keenayso xiqdi iyo saluug siyaasaddeed.




Musuqmaasuqu waxa uu ka mid yahay waxyaabaha dhaawaca iyo dhabar jabka dhaqaale ku keena dalka kasta oo adduunka ka mida, waxaanu balanqaaday inuu Puntland ka suulin doono nooc kasta oo uu yahay.




“waxaan wax ka qaban doonaa Musuqmaasuqa iyo boobka lagu hayo Hantida umadda ee masaakiinta ah”ayuu yidhi isagoo isha ku hayay ficilo badan oo maamulkii hore ku kici jiray oo musuqmaasuq iyo maamul xumo ku jirto.




Madaxweyne Faroole ayaa lagu xaman jiray inuu Hanti farada badan oo dawladdu leedahay gaar u qaadan jiray, isla markaana qoyskiisa, gaar ahaan Caruurtiisu ay saamayn ku lahaayeen arrimaha maamulka dawladda, taasoo nusqaan ku ahayd Milgaha dawladnimo iyo dastuurka labadaba.




Dejinta Siyaasad Dimuquraadiya oo dalka u horseeda Doorashooyin hal cod iyo hal qof ah (one Man one vote), ayaa ah qodob si weyn mujtamaca Gobolku uga dhur-sugayaan madaxweynaha Kursiga ku cusub ee hore u ahaa Reysal-wasaaraha Somalia.




Taasi waxay ku xidhantahay hadba siduu culayska u saaro Hay’ada Xeer-dejinta oo ah golaha laga curinayo xeerarka doorashooyinka, kuwa Dastuuriga lagu qeexayo, isla markaana uu xooga u saaro dhismaha Maxkamadda dastuuriga ah ee dalka.




Si kastaba ha ahaatee Prof. Cabdi wali Gaas madaxweynaha cusub ee Garoowe wuxuu haystaa fursad uu dhaaman arrimahan oo dhan wax kaga qaban karo,inkasta oo aanu taageero badan oo dhanka sharciga ah ka heli doonin Golaha Baarlamanka oo aanay dadka badankiisu la dhacsanayn qaabka lagu soo xushay xildhibaanada.




Dhamaystirka yoolka dawladnimo ee Puntland oo qaan gaadh ku dhow, tir-tirida nidaamka qabaliga ah ee wax lagu doorto iyo fursad u siinta shacbiga ee inay codkooda ku gaajo baxaan,  ayaa ah hal-xidhaalaha ugu weyn ee horyaala Labada nine e qurbo-joogta ahaa ee talada Puntland kala wareegay Faroole iyo Cabdi-samad Cali Shirre oo dadka Reer Garoowe si weyn uga mahad sheegteen muddadii ay xilka hayeen.




Wariye: Sulaiman Cabdi Cali (Kalshaale)




Gobanimonews Chief Editor




Garoowe Office




Email: editor@gobanimonews.com / curad1986@hotmail.com




Tel: 0634229772