Wednesday, January 8, 2014

Madaxweynaha Suudaan Cumar Al-bashiir oo Si Toos ah u Taageeray Dowlada Koonfurta Suudaan


Juba (GNA) Madaxweynaha dalka Sudan Cumar Xasan Al Bashiir oo socdaal kadis ah ku tagay, Magaalada Juba ee caasimadda konfurta Sudan, ayaa si cad u bayaamiyay, mawqifka ay xukuumadiisu ka qaadaynayso colaada dalkaas ka aloosantay dhawaan.Cumar Al Bashiir ayaa sheegay in xuduudaha dalkiisa uu u furayo, dadka ka firxanaya dagaalada, waxa kale oo uu cadeeyay in xukuumadiisu taageerayso dawlada konfurta Sudan ee Salva Kiir hogaamiyo, isla markaana aanay ogolaan doonin in gudaha dalkooda laga soo weeraro ama saldhigyo xoogaga ku kacsani ka samaystaan.




Hadalka Cumar Al Bashiir ayaa lagu tilmaamay taageero xoogan oo uu la garab istaagay dawlada konfurta Sudan oo laba sanadood ku dhawaad ka goosatay dalkiisa, dhinaca kale dagaaladii ka socday dalkaas ayaa sii kordhaya kuna fidaya degaano kale, iyadoo ay socdaan wada hadalada ururka IGAD ka odayaynayo ee magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia








GobanimoNews.com




Hargeysa/somaliland