Tuesday, January 14, 2014

Madaxweynaha Cusub ee Puntland oo Galabta si Rasmi ah ula wareegay Xafiiska kaddib Booqashadii ay ku kala bixiyeen Ciidamada iyo Hay'adaha Dowladda Puntland+Sawiro


22Madaxweynaha Cusub ee Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo ku Xigeenkiisa C/xakiin C/llahi Xaaji Cumar Cameey ayaa Galabta si Rasmi ah ula wareegay Talada Dalka.




Madaxda Cusub ee Dalka ayaa soo kormeeray Xeryaha Ciidamada, Xabsiga Cusub ee Garoowe Warbaahinta Dowladda, Xarunta Ciidanka Asluubta, Qaybo kamid ah Wasaradaha Dowladda iyo Dhismaha Airporka Cusub ee Garoowe.




Madaxweynihii hore ee Puntland C/raxman Maxamed Maxamuud Faroole ayaa Sheegay in si Rasmi ah uu ugu wareejiyay Madaxweynaha Cusub Dhamaan talada Dalka, Waxqabadkoodi iyo Mshariicda Socota.




Madaxweyne Faroole ayaa Balanqaday in uu la shaqayn doono Madaxda Cusub isagoo ku amanay Madaxweyne Gaas in uu yahay Shaqsi Aqoon sare u leh Hoggaminta iyo Aqoon Dhinacyo badan oo Dalka ay Maanta u baahantahay.




"Waxaan Shacabka Puntland ugu Baaqaya inay la shaqeyan Madaxda Cusub, waxana uu u rajeynaya in Illahey u Fududeeyo Xilka Culus ee loo Dhiibay" ayuu yiri Madaxweynihii hore ee Puntland C/raxman Faroole.




Madaxweynaha Cusub ee Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa Sheegay in Madaxdii hore ay kala wareegen Dowladnimo la taaban karo waxaana uu ku amanay intii talada ay hayeen wixii ay soo qabteen isagoo sidoo kalana ugu baaqay Shacabka Puntland Midnimo.




Gaas ayaa Sheegay inay abarayaan Howlaha Aadag ee Horyala waxaana Bulshada uu ugu baaqay inay siyaan wakhti ay ku qabtaan Howlaha Dowladda ee Horyala oo ay kamid tahay Dhsitaanka Xukumadda Cusub ee Puntland.




Xarunta Madaxtooyada Puntland ayaa kamid ahayd Meelaha Sakadii hore si Rasmi ah ay Madaxweynaha Cusub iyo ku Xigeenkiisa ula wareegeen.




Copy of 20140114_140044 Copy of 20140114_142708 1 56 95 20140114_104750 20140114_114447 20140114_140044 20140114_142708 Copy of 95 Copy of 20140114_104750 Copy (2) of 20140114_104750 Copy (3) of 56 Copy (3) of 81 Copy (3) of 95 Copy (3) of 20140114_114447