Pages

Saturday, January 4, 2014

Maareeye Kuxigeenka Dekeda Berbera Masuul Kasoo Baxay Xilkii Uu Umada u hayey


Maareeye Kuxigeenka Dekeda Berbera Cumar Abokor Jaamac waa Masuul Kasoo Baxay Xilkii Uu Umada u hayey ee ahaa Maareye kuxigeenka dekeda Berbera oo mudadii Dawladda Siilaanyo jirtay marsadaaasi ka qeyb ahaa maamukeeda waxaana inta badan ku suntanyahay horumarka iyo waxqabadka socda Dekeda Berbera isagoo Maareeyaha Dekeda Berbera Eng Cali Xoor Xoor ay siwanagsan uwada shaqeeyaan oo habsami ah, oo aan khilaaf lahayn oo kalsamaan ah.




Waa Masuul mudooyinki hore kasoo shaqeyn jiray Kastmada dalka waxaanu talaabooyin horumar leh ka wadaa Dekeda Berbera oo guto hawlmaalmeedkiisa shaqo iyo kartidiisa, door muhiim ah oo balaadhan kasoo qaatay ololihii iyo halgankii xisbigii kumiye ku hantay doorashada aqalka madaxtooyada somaliland taas oo uu kamid ahaa ragii shaqadiisa Kastamka ee Maamule kuxigeenka Kastamka Berbera ku waayey inuu k shaqeyo xisbiga kulmiye ololihiisa.




Waxa uu taageero xoogan  muujiya dhalinyarada waxaanu ka shaqeeyey hawlo badan oo kamid ah horumarinta shaqaalaha dekeda iyo habsami u socodka shaqada.




Maareeye kuxigeenka Dekeda Berbera waa shakhsiyad caan ku ah Maamul wanaagsan Karti deganaan iy hufnaan shaqo taas oo gayeysiisay inuu hanto xilka Maareeye Kuxigeenka Dekeda Berbera.




 




Anaguna Hadaanu Nahay Dhalinyarada Gobolka Saaxil Waanu barbartaaganahay Maareeye kuxigeenka Dekeda Berbera Cumar Abokor Jaamac.




 




Baashe Cige Cilmi




baashecige@live.com




Berbera Somaliland