Pages

Saturday, January 4, 2014

Maanso Baroor Diiqa


Maansada Samir iyo Cali Dhanaaniye




Nafwaliba way dhadhaminaysaa geerida, waana xaq geeridu, inaga oo dhanbaana dil ku wada xukuman oo qof waliba waxa uu dhimanayaa saacadiisa, waxaan tixdan ugu baroordiiqayaa walaalkay Mujaahid C/risaaq Mohamed Ibraahin(C/Maarshaal) oo 1-1-2014 ku geeriyooday magaalada Burco ee xarunta gobolka togdheer waxaanan leeyahay walalo ilaahay hakuu naxariisto cawilkaagana hana siiyo waxaad hoyatay wakhtigaagii, walaalkay intaad ifka joogtay waxaad ku joogtay sharaf iyo karaamo, waxay geeridu ku haleeshay oo ay taadii gaadhay adigoo haya shaqo qaran oo dalkaaga iyo dadkaaga wanaagooda iyo nabadooda sugaya, waxaad u dhimatay qarankaad u dhaaratay ilaahay haku geeyo janno fardowsa isagaana awood badane hakaa waraabiyo webiyo malaba iyo webiyo caanno ah annagana hana siiyo samir buuxa iyo iimaan saadaqa iyo cawilkaagoo san.




 




Nafluhu safar weeye maanta




siroona allaa ya qaanaa




samaantuna waa gabaabsi




waxaynu sugnaaba geeri




sahayduna waa salaada




kashaydoon samir idhaahdo




saxeexa ilaahaybaa leh




sareeyaha ina abuuray




allaha siduu doono




allaha sakaraadka keena




sareediyo caafimaadka




Subxaanow mahad adaa leh




.......




allah siliciyo haraadka




saxariir holaciyo abaarta




allaha sagalkiyo daruurta




allah seermawaydo hoorsha




allaha dunidaba samaystay




ayaa mahadiyo sarayn leh




.........




 




samaaloow gacantaydii midigoow




walaal socotoo carowday




waxaa timi saacadaadii




cidina sii joogi mayso




qadarka rabi maan saluugin




......




socdaashay walaal samaale




sabadii loo wada hayaamay




so'dii iilkiyo xabaasha




walaal ciid dhabanka saartay




allaa sababteeda taaleh




salowna ma abuuri doonto




......




walaal saatirkeena weyni




su'aalaha kuu fudaydi




ku noolow sabo barwaaqo




dhul-doogloo saac iftiimay




xareed iyo udug ku saaqa




ku waar gacaloow sareedo




nasteexiyo guri samaanleh




ilaa saacada qiyaame




allow kuu sahal walaalo




annana samirkayaga xooji




....




 




siciid iyo hanad nadeeqa




saatirbaanu gacmaha utaagnay




inuu cawilkaa nasiiyo




waxaan ku afmeeray siinka




allow sakaraatul mowdka




markay sikinkeena gaadho




nawaafaji qowlka suuban...




aameen aameen....