Saylici iyo Maxamed Kaahin oo lahjad adag kaga wada hadlay shirka Kulmiye 24-kii saacadood ee la soo dhaafay"Akhri warsaxaafadeed
Hargeysa(GNA)-Saylici iyo Maxamed Kaahin oo isdhaafsaday Qoraalo Kulmiye iyo Madaxtooyadda Bur iyo Biyo u kala baxay iyo kulankii saylici oo gaashaanka lagu dhuftay
Hargeysa(GNA)-Warsaxaafadeed uu soo saaray Guddoomiye ku-xigeenka Xisbiga Kulmiye Maxamed Kaahin Axmed, ayaa lagu sheegay inaanay waxba ka jirin shir deg dega oo Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland isugu yeedhay Guddida fulinta ee xisbigaasi Maanta oo Isniin ah.
Madaxweyne ku-xigeen Saylici ayaa xalay soo saaray qoraal kooban oo uu isugu yeedhay xubnaha guddida fulinta ee xisbigaasi shir aan ujeedadiisu caddeyn, oo Gurigiisa ka dhacaya.
Hase ahaatee Guddoomiye ku-xigeenka Xisbiga Maxamed Kaahin ayaa Maanta soo saaray mid kale oo uu ku daadifaynayo shirkaasi, isagoo ku tilmaamay arrin sharci daro ah oo ka horimanaysa shuruucda xisbiga iyo nidaamka u degsan.
Maxamed Kaahin ayaa sharaxaad ka bixiyay habsami u socodka hawlaha xisbiga ee la xidhiidha shirweynaha waxaanu iftiimiyay in meel wanaagsan wax u marayaan.
Warsaxaafadeedkaasi wuxuu u dhignaa sidan “ REF: XK/XG/004162/2014
Date: 06/01/2014 Warsaxaafadeed
Shirweynaha 3aad ee xisbigha KULMIYE waxa uu ku mudaysanyahay 21/01/2014, hawshii shirweynaha waxa gacanta ku haya Gudiga Qabanqaabada ee loo xilsaaray diyaarinta iyo abaabulka shirweynaha, waxaanna u qabsoomay guddiga:
In la doortay Guddoonkii Guddiga oo kala ah;
Guddoomiye, Guddoomiye-ku-xigeenno, xoghaye iyo Afhayeen
Waxay diyaariyeen xeer-hoosaadkii hagayey hawlaha Guddiga
Waxay magacaabeen Guddi-hoosaadyadii u xilsaarnaa hawlaha kala duwan ee Qabanqaabada
Waxay diyaariyeen qorshe hawleedkii (work plan) guddigu ku shaqaynlahaayeen.
Hawlahaas oo dhammaan ay guddiga Qabanqaabadu si madaxbannana u fuliyeen, sidaa darteed, hawlihii Qabanqaabada shirweynuhu waxay u socdaan si habsami ah, shirweynuhuna waxa uu qabsoomayaa muddadii loogu talogalay sida uu dhigayo xeerka xisbiga KULMIYE.
Fadhiyada Guddiga fulinta xisbiga waxa isugu yeedhi kara Guddoomiyaha xisbiga, ajandeyaasha Guddigana waxa diyaarinaya Xoghayaha Guud ee Xisbiga.
Sidaa darteed, warqada uu Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland isugu yeedhayo Guddiga Fulinta ee waliba uu ugu yeedhayo gurigiisa uu ku noolyahay, waxa ay baalmarsantahay sharciga iyo hab-dhaqanka xisbiga.
Arrintaasina waxay muujinaysaa shir gaar ah oo lagu wiiqayo habsami-u-socodka hawlaha qabashada shirweynaha xisbiga, kaas oo ka gudbay marxalado badan oo hore.
Xubnaha Gudiga Fulintana waxa lagu wargalinayaa in aan shirkaasi waxba jirin.
Alla Mahad Leh
Md.Maxamed Kaahin Axmed
Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee Xisbiga kulmiye.
Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Madaxweyne ku-xigeenka iyo Kooxda siyaasiyiinta ah ee ay inta badan dhinaca Xukuumadda iska soo xulafaystaan, hase ahaatee waxa muuqata in wararka isu hal celinta ah ee labada dhinac isdhaafsadeen muujinayaan inuu jiro khilaaf culus oo xisbiga dhexdiisa hurdaa, kaasoo u muuqda mid halkiisii ka sii bilaamaya oo xidhiidh la leh kuwii hore u jiray.
Shirweynah Xisbiga Kulmiye ayaa dib loogu riixay 21-ka bishan aynu ku jirno,ka dib markii uu 25 December ee sanadkii tegay dib uga dhacay.
Waxaase soo baxaya ifafaale kale oo muujinaya in mar kale xisbiga muran ka soo dhex muuqdo kaasoo sababi kara inuu fashilmo.
Gobanimonews
Hargeysa Office
Email: editor@gobanimonews.com