Pages

Sunday, January 12, 2014

Laascaanood: Dagaal Beeleed dhimasho iyo Dhaawac geystay oo ka dhacay Gowso-weyne


Laascaanood(GNA)-Ugu yaraan afar ruux ayaa ku dhintay Shaqaaqo beeleed ka dhacday Deegaanka Gowso weyne ee Gobolka Saraar, halkaasoo sida lagu soo waramayo laba maleeshiyo beeleed isku faro saareen Maanta.




Dagaalka ayaa ka qarxay dil xalay ka dhacay Magaalada Oog,kaasoo loo geystay nin ka soo jeeday Deegaamada Gobolka Sool.




Dad goob-joogeyaala ayaa Gobanimonews u sheegay in Maleeshiyaad hubaysan uu u dhexeeyo dagaal xoogan oo ka socda Deegaanka Doco, halkaasoo ay ku dirirayaan maleeshiyooyin ka soo kala jeedda Laascaanood iyo Oog.




Ma jiro war rasmiya oo laga helay khasaaraha dhabta ee ka dhashay Dagaalkaasi, hase ahaatee wararka ayaa intaasi ku daraya inuu jiro dhaawac iyo Dhimasho tiro badan oo ka soo kala jeedda laba maaleeshiyo ee dagaalamaya.




Wararka qaar ayaa sheegaya in dhimashadu ilaa lix ruux gaadhsiisantahay, jiraana dad kale oo nolol lagu kala qafaashay.




La soco warar wixii ka soo kordha…