Pages

Sunday, January 5, 2014

Kun ku dhawaad Askari oo Tababar loogu soo xidhay 21-aad.Daawo


  Dhuuso-mareeb(GNA)-Boqolaal askari oo kamid noqon doono hawlgalka Ciidanka Xoogga Dalka, ayaa waxaa maanta tababar loogu soo xiray Magaalada Dhuusa Mareeb ee Xarunta Gobolka Galgaduud.




Ciidankaan oo ay tiradoodu gaareyso 700 oo askari, ayaa waxay muddo afar bilood ah ay tababar ku qaadayeen Xerada 21-aad, oo dhacda duleedka Magaalada Dhuusa Mareeb.




 



Munaasabad maanta lagu qabtay Xerada 21-aad oo tababarka loogu soo gaba gabeeyay Ciidamadaan, ayaa waxaa ka qaybgalay Saraakiil ka socotay Wasaarada Gaashaandhiga, Maamulka Gobolka Galgaduud iyo midka Degmada Dhuusa Mareeb.




General C/laahi Cali Cismaan "Cageey", oo kamid ah Saraakiishii ka socotay Wasaarada Gaashaandhiga, ayaa wuxuu bogaadiyay Ciidanka faraha badan ee ay tababarka ugu soo xireen Xerada 21-aad.




 



General Cagey, ayaa ku booriyay Ciidanka ku soo biiraaya hawlgalka Xoogga Dalka, in looga baahan yahay in ay dalka ka xoreeyaan goobaha, ay kaga sugan yihiin dagaal-yahanada Ururka Al Shabaab.




Jananka, wuxuu sheegay in ay muhiim tahay in dalku uu yeesho cudud Ciidan, oo dalka iyo dadka Soomaaliyeedba ka dul qaada cadowga shisheeye ee ku soo duulay, sida uu yiri.




Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Galgaduud ee Dowladda Xuseen Cali Wehliye (Cirifo), ayaa waxa uu Dowladda Federalka ee Soomaaliya ugu baaqay, in ay kaamilyeesho qalabka, ay u baahan yihiin Ciidamada tababarka loogu soo afjray Xerada 21-aad.