Pages

Monday, January 6, 2014

Khaatumo: Axmed Karaash Dhagartii Taleexbuu puntland ula baxsaday”


“Indho Sheel uma socdo Somaliland sida Axmed Karaashna maaha Dambiile meel uu ku gabado raadinaya”Maxamuud Sheikh Cumar




Buuhoodle(GNA):- Maamulka la baxay Khaatumo State ee ka dhisan Gobollada Buuhoodle iyo Sool, ayaa markii ugu horaysay ka hadlay tegitaanka Madaxweynihii hore ee Maamulkaasi ugu galay Puntland iyo warar sheegayay in hogaankoodda hadu tegayo Somaliland.




Axmed Cilmi Cismaan (Axmed-Karaash) oo ka mid ahaa saddex Madaxweyne oo loo sameeyey Maamulkaasi, ayaa  maanta magaalada Garoowe ka shaaciyey inuu yahay Musharrax u taagan jagada Madaxweyne Ku-xigeenka Maamulka Puntland,ka dib markii uu maalmo ka hor halkaasi ka degay.




Agaasimaha guud ee Wasaaradda arrimaha gudaha Maamulka Khaatumo Maxamuud Sheekh Cumar Xasan oo Shabakadda wararka ee Aftahannews khadka taleefanka ugu warramay ayaa sheegay  inuu Axmed Karaash Dambiile yahay.




“Ninkaas Axmed-Karaash waa nin dembiile ah oo ku noolaan kari waayey dhulkii uu ku xasuuqay shacabkii hoggaamiyaha ka dhigtay. Ninka dadkii uu masuulka ka ahaa geedkii hoggaaminta xilkooda, caddaaladdooda iyo daryeelkooda loogu dhaariyey ku hoos xasuuqay, hadduu Puntland Madaxweyne Ku-xigeen ka noqdo amaba Madaxweyne wax uu u kordhinayo iyo wax uu u lilaynayo midna ma jiro ee waa nin nafi eriday.”




 “Ta uu leeyahay Dhul Puntland ka maqan baan soo celinayaana, waxaan qabaa immikaba wax u dhawrsani ma jiraan iyo wax uu iska hagranayaa toona, waayo hadduu wax hagranayo shacabkiisa uu Taleex ku laayey muu xasuuqeen, immikana wax saamayn ah oo haddii xil loo dhiibto iyo haddii aan loo dhiiban uu annaga nagu yeelanayaa ma jirto, Khaatumana Axmed-Karaash maaha.” ayuu yidhi Maxamuud.




Waxaanu intaasi ku daray “Axmed-Karaash iyo Khaatumo wax ka dhexeeyaa ma jiraan, Ninkaasi waa nin fashilmay oo qayrul-masuul ah xilkasta oo loo dhiibto Karaash Khaatumo nabad iyo colaad toona uguma soo noqon karo, wahadal na dhex-mari karaana ma jiro, waayo? waa nin naftiisa la cararay gacan-ku-dhiigle ah, waxaanan u sheegayaa Garoowe-ba way joogaan dadkii uu xasuuqay dadkoodu.”




Maxamuud Sheikh ayaa sidoo kale sharaxaad ka bixiyay sababta kaliftay Axmed Karaash, waxaanu yidhi “Waxa ku kallifay inuu galo Puntland, markii uu dad xigtadiisa iyo eheladiisa ah ku xasuuqay geedkii xilkooda loogu dhaariyey, ayuu go’aansaday inuu Puntland u baxsado, qofkuna hadduu dhiig Islaam galo oo uu dhagar-qabe yahay dhulkaa u dhaq-dhaqaaqa oo ma fadhiyi karo, waxaanu u dhaqaajinayaa meeshuu u baxsan karo ee uu isleeyahay waad ku noolaan kartaa. Markaa, ninkaas nin dhiig eryey weeye, xil iyo masuuliyad ummadeed nin loo dhiibo oo qaadi kara maaha.”




Masuulka u hadlay Maamulka Khaatumo, ayaa sidoo kale beeniyay jiritaanka warar sheegaya in madaxweynahooda hadu Somaliland tegayo  “Warkaas ay qoreen Wargeysyada Hargeysa ka soo baxa qaarkood waxba kama jiraan sal iyo raad-toona malaha, Aniga oo ku hadlaya Afka Madaxweynaha Khaatumo oo arrintan ka hadalkeeda aannu isku ognahay waxaan kuu sheegayaa in warkaasi been yahay, wadahadal dhex-maray iyo mid u socda Madaxweynayahayaga (Indha-sheel) iyo Somaliland ma jiro, Indha-sheel-na nin Somaliland iska dhiibaya iyo nin tagaya toona maaha, Khaatumo iyo Somaliland-na waa laba maamul oo ay tahay inay nabadgelyo iyo deris wanaag ku wada noolaadaan oo is-ixtiraamaan. Indha-sheelna maaha dembiile sida Axmed-Karaash xasuuq geystay oo meel uu ku dhuunto ama ku gabbado amaba dibedda uga sii baxsado raadinaya sida ninkaa Puntland u galay oo kale.”




Gobanimonews




Buuhoodle Office