Pages

Saturday, January 4, 2014

Ifraax Budhle: sida Khaayimiintay RRU-du noogu soo dhaceen Xirsi-baana soo diray”Daawo


Xaaska Guddoomiye ku-xigeenkii hore ee Togdheer oo Xadhiga Ninkeeda ku eedeysay Wasiirka Madaxtooyada Xirsi.Daawo Muuqaal




Burco(GNA)-Ifraax Diiriye Budhle waa xaaska Guddoomiye ku-xigeenkii hore ee Gobolka Togdheer Guuleed Daahir Samatar oo xalay war Bilayska Gobolka Togdheer xabsiga u taxaabay.




Afraax ayaa sheegtay inay Ciidanka RRU-du si fool xun oo argagax ku jiro ugu soo dhaceen gurigooda, ka hor intii aanay qaban ninkeeda.




“sidii jilayaasha filimadda ayay guriga u soo daateen, dabadeed si fool xun u baadheen, markii dambena way kaxaysteen” ayay tidhi.




Haweenayda ayaa intaasi raacisay “Madaxweyne Siilaanyo wuxuu ka soo dagaalamay cabudhintii iyo cadaadiskii dawladdii siyaad barre dadka ku haysay, markaa inuu maanta tii sameeyaa waa ayaan daro”.




"Bilaysku labada Indhoodbay igu dhufteen , caruurtiina way iga laayeen"ayay tidhi.




waxaanay intaasi raacisay "Xirsibaana ciidanka noo soo adeegsaday oo dhibaatadaa noo geystay".




“Wasiirka Arrimaha gudaha Cali Waran-cade waxaan leeyahay adigaa amniga ka masuula ee waxa dhacaya waad aragtaa,ee wax ka qabo”ayay tidhi.




Halkan ka Daawi qaabka uu u dhacay Hawl-galka qabashaa Guuleed iyo Xaaskiisa oo ka hadashay: