Pages

Thursday, January 16, 2014

Hargeysa: Rabshado Khasaare sababay oo ka dhashay hawl-gal Dawladdu fulinaysay


Hargeysa(GNA)-Rabshado ayaa ka dhashay Hawl-gal Dawladda hoose ee Caasimadda Hargeysa ka fulisay Suuqa Ganacsiga degmada Kood-buur ee Jaamac Gunti.




Afar qof ayaa ku dhaawacmay rabshadahan oo uu sababay iska hor-imaad dhex maray Bilayska Dawladda hoose iyo Dadweyne cadhaysan.




Bilayska ayaa isku dayay inay xoog ku raraan dad suuqaasi ku ganacsanayay, kuwaasoo diidmo kala hor yimi qorshaha dawladda hoose.




Suuqa Jaamac gunti ayaa dhawaan laga hir-geliyay Sariibad uu leeyahay Ganacsade Reer Hargeysa ah, kaasoo dawladda hoose doonayso inay ku wareejiso Sariibadii hore ee Suuqaasi.




Muranka ka taagnaa dhulkan ayaa muddo soo jiitamayay , cabasho badana ay ka soo jeediyeen dadka ku ganacsan jiray.




Mid ka mida Dadka halkaasi ku xoogsada ayaa dhawaan Gobanimonews u sheegay in Suuqaasi lagu wareejiyay Ganacsade Maaweel oo dhisme Sariibad ah ka samaystay.




Dawlada hoose ayaa hawl-galkan maanta u adeegsatay Cagaf cagaf iyo gaadiidka kale ee  hawl-galada.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com