Saturday, January 18, 2014

Hargeysa: Bulshada oo ka cabanaysa biyo la’aan


Hargwysa,(-GNA)Shacbka ku dhaqan caasimad dalka somaliland ee hargeya oo aad Uga cabanaaya biyo la'aan soo wajahday eedayn Kulul dusha u saaray maareyaha Wakaalada biyaha Hargeysa mudane .Ibraahin Siyaad Nuur oo ay sheegen Inuu yahay nin gabay shaqadii loo igmaday kuna fashilmay Inuu shacabka caasimada labada ee somaliland waraabiyo.




Waxaa Baryahana ba isi soo taraaya biyo la'aanta ka taagan magaalda Hargeysa oo dhawaan ay Rabshado ka dhaceen Taas oo dadka ku nool magaalda ay kaga cabanayeen biyo la'aanta ka taagan oo soo jiitamaysay mudo hada laga joogo 20 Sano.




 




Qaar ka mida shacabka ku dhaqan caasimada somaliland oo u waramay war baahinta madaxbanaan ayaa aad Uga dayriyay biyo la'aanta soo laba kac laynaysa ee ka taagan Hargeysa waxaana ay eed Kulul dusha u sareen mareeyaha Wakaalada biyaha oo ay sheegen Inuu lunsaday lacagii hayaduhu ku bixiyeen in Biyo lagu galiyo magaalada oo haraad Iyo wayso la'aan la ila daran.




 




Masuulkan ay dadka reer hargeya eedaynayaan ayaa la sheegay inaanu wax aqoona oo ku saabsan farsamada biyaha u lahayn ee uu yahay nin dhinaca kaga soo booday oo ahaan jiray shakhsi ka shaqaysta biraha baaburta ee loo yaqaano isbeer baadhi waana ta keentay Inuu ku dhex wareero Wakaalada biyaha Hargeysa.




Ilaa hada ma jirto cid wax ka qabatay waxaana looga guura magaalada Hargeysa dhinaca Iyo Gobolada biyaha leh.




Arinkan ayaa loo baahan yahay in xukumada Iyo masuuliyiinta ku shaqada lahi wax ka qabtaan.




 




 




Hargeysa/Somaliland




Wariye MJ