Pages

Monday, January 6, 2014

Hano-qaadka TV-ga Qaranka Madaxweynaha Istaahila in Shahaado sharaf lagu siiyo”By Cumar M. Faarax


Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa  u qalma haddii cid shahaado sharaf lagu gudoon siinayo hano-qaadka Telefishanka qaranka. Isaga ayaa istaahila in bilad iyo maamuusba lagu siiyo.marka laga qiyaas qaato xoolaha iyo xooga uu geliyay wasaaradda warfaafinta waaxaheeda kala duwan.




Madaxweynaha Somaliland waxa uu ka dhabeeyay balan-qaadyadii uu ku galay ololihii doorashada madaxtooyadda ee dalka ka dhacday 26-kii Bishii June 2010-kii ee ku wajahnaa in dalka laga hirgeliyo idaacad weyn oo  wada gaadha dalka gudihiisa  iyo dibadiisaba. Waxa kale oo u rumowday in baahinta Telefishanka qaranka la gaadh siiyo daafaha adduunka oo dhan. Arrimahaasi waa qaar xaqaa’iq ah oo aanay cidina ka dafiri Karin.




Madaxweyne Axmed Siilaanyo waxa  kale oo dedaalka uu wasaaradda geliyay laga xusi karaa idaacadda FM-ta ah ee quraanka kariimka ah oo laga dhagaysto Magaalooyinka Hargeysa, Burco iyo Boorame.




Marka intaas oo dhami jirto, miyay suurto gal tahay in shahaado  daneedyo la isu dhiib-dhiibto iyadoo aan marna la xusin dedaalkii iyo tacabkii Madaxweynuhu galay?.




Wasaaradda wixii u qabsoomay waxa kale oo ammaanteeda labaad leh Wasiirradii soo maray wasaaradda dhammaantood oo midiba wax ku daray saddexdii sanadood ee la soo dhaafay  agaasimaha  guud ee wasaaradda oo isaguna xudun u ah qorshaha lagu rumeeyay himiladii madaxweynaha.




Waxa haboon in shahaado sharafyada muddooyinkan dambe aynu balaysinay ay noqdaan qaar loo miidaan dayo oo la gudoon siiyo cidii qaranka ku soo kordhisay tacab, qorshe, tallo iyo maskaxba. Waxa aan jecelahay inaan xuso  oo horumarka guud ee wasaaradda warfaafintu gaadhay lagu majeerto shaqaale weynaha wasaaradda warfaafinta ee dabadhoonka u ah sidii loo fulin lahaa waajibaadka qaran ee wasaaraddu u hayso bulsho weynta Somaliland.




Cumar Maxamed Faarax




cumarmfaafarax@hotmail.com