Pages

Friday, January 10, 2014

Garoowe: waa side xaalada Puntland Doorashadii ka dib?Warbixin


Dareenka Shacbiga+ Doodda Doorashada ka dib+ Dhaqdhaqaaqa iyo natiijada kulamo dhex maray Faroole iyo Gaas




Garoowe 09.01-2014(GNA)-Magaalada Garoowe waa Caasimada Maamul Goboleedka Puntland.




Waxa shalay ka dhacay Doorashada Madaxtiminada ee Dawladda Puntland, taasoo ay Golaha wakiiladdu ku soo doorteen Madaxweynaha shanta sanadood ee soo socota.




21 Musharax oo u kala tartamayay Jagooyinka Madaxweynaha iyo ku-xigeenka ayaa waxa laga soo doortay Madaxweynaha cusub Cabdiwali Maxamed Gaas iyo ku-xigeenkiisa Cabdixakiin Cabdilaahi Xaaji Cumar Camay.




Waxay ahaayeen laba musharax oo ku cusub Siyaasadda Gobolka, waxaanay ka guulaysteen 19-kii kale oo ay ku jiraan Madaxweynihii hore iyo ku-xigeenkiisa Cabdiraxmaan Sheikh Maxamuud iyo Gen. Cabdisamad Cali Shirre.




Amaanka Madaxweyneha iyo ku-xigeenka cusub ayaa shalay markii loogu dhawaaqay madaxtinimada amaankooda aad loo adkeeyay, waxaana lagu wareejiyay ciidamo tiro badan iyo Gaadiidka Ciidamada gaarka u ah Ilaalada Madaxweyneyaasha.




Hadal haynta Dadweynaha




Hadal haynta ugu badan ee Magaalada Caasimada taala ayaa ah sida nabdoon Doorashadu dhacday iyo go’aanka Geesimadda ah ee uu ku aqbalay Madaxweynihii hore Cabdiraxmaan Faroole.




Dadka ayaa Maanta ilaa shalay gelinkii dambe sheekadda ugu badan ee ay hadal hayaan ay  tahay mawduuca doorashada, taasoo ay ku kala aragti duwanyihiin madaxweynaha cusub ee la doortay iyo ku-xigeenkiisa.




Cabdi wali Maxamed Gaas iyo Cabdixakiin Camay waa laba Nin oo ka soo kala jeedda Deegaan ahaan Gobollada Mudug iyo Buuhoodle, taasoo ah arrin ay dadku si weyn u hadal hayaa “siyaasaddii Puntland waxay ka baydhay Laamigii waxaanay u leexatay Rafka (qardo –jeex)”sidaasi waxa aaminsan inta badan dadka reer Garoowe, hase ahaatee waa lagu qanacsanyahay isbedelka siyaasaddeed ee cusub.




Inkasta oo ay jiraan warar dadku isu dhiidhiibayaan oo ku saabsan xaaladaha isbed-bedelaya ee natiijada Doorashada salka ku haya, sida xil wareejinta, amaanka iyo mustaqbalka Gobolka, hadana wax waliba waxay u socdaan si caadiya.




Dhaqdhaqaaqa Ganacsiga




Ganacsiga ayaa ah mid maanta sidiisii caadiga ahayd u socday, inkasta oo shalay gelinkii dambe Magaalada laga dareemayay waxoogaa buuq ah iyo dhaqdhaqaaq xoogan oo amaanka lagu ilaalinayo iyo cabsi dhinaca Bulshada la soo deristay, ka dib markii laba qof ku dhinteen rasaas Ciidanku ku rideen dad ku soo qamaamay hoolka doorashadu ka dhacday.




Gaadiid badan ayaa dhex maraya Magaalada,waana meel u muuqata in mashquul badani ka jiro, isla markaana dad badan dibada ka soo galeen, maadaama xili doorasho  lagu jiray, isla markaana wufuud Caalamiya iyo kuwo Maxali ah intuba ku sugnaayeen Magaalada.




Musharixiintii laga Guulaystay




Musharixiinta Doorashada lagaga  guulaystay ayaa dhamaantood sii wada dhaweeyay natiijada, una muuqda kuwo si wanaagsan oo niyad samaana ugu qancay doorashada “mushkilad malaha Doorashadu waa inaad guulaysato iyo in lagaa guulaysto”sidaasi waxa Gobanimonews u sheegay mid ka mida Musharixiinta Doorashada ku loolamay Dr. Maxamed Xirsi.




Filashada Isbedelka




Dadka reer Puntland ayaa guud ahaan Madaxweynaha cusub ka filaya isbedel siyaasaddeed oo dhab ah, kaasoo lagu sii ambo qaadayo geedi socodka nidaamkii hore u degsanaa, laakiinse meelaha ugu muhiimsan ee loo baahanyahay inuu wax ka qabto waxa ka mida horumarinta Dhaqaalaha gobolka, dib u habeynta Nidaamka Dawliga ah, xoojinta awoodda Hay’adaha Dhaqaalaha iyo amaanka oo ah albaabka ugu weyn ee hawlaha lagu horumarin karo.




Deegaamo badan oo Gobolka ka mida, siiba Gobolka Nugaal ayaa Maamulka cusub ka filaya laba qodob oo kala amaan buuxa iyo horumarinta adeegyada Bulshada “annaga Madaxweynihii horena waxba nooma qaban, kana wax qabad ka fili mayno ee waxaan ka rabnaa amaan iyo nabad-gelyo”sidaasi waxa Gobanimonews u sheegtay Haweenay ka mida Bulshada Degmada Tuko-raq oo Magaalada Garoowe 70km  u jirta.




Xarumaha Dawladda




Xarumaha Dawladda ayaa xidhnaa maanta iyo shalay, wax shaqo ahina aanay ka socon marka laga reebo meelaha adeega joogtada ah iyo kuwa amaanka, isbedelka maamul ee dhacay awgii.




Madaxweyne Gaas




Si kastaba ha ahaatee Puntland waxa ka dhacay Isbedel siyaasaddeed oo baahi weyn loo qabay, dadkuna soo dhaweeyeen boqolkiiba sagaashan, taasoo ah yihdidiilada shanta sanadood ee soo socota, oo looga fadhiyo Madaxweynaha cusub ee hada talada la wareegaya iyo xukuumaddiisa la sugayo.




Madaxweyne Gaas ayaa ilaa shalay ku gudo jira kulamo ujeedooyin kala duwan salka ku haya, hase ahaatee kulamadaasi waxa ugu badan kuwo xidhiidh la leh arrimaha shaqada uu waajahayo.




Warar laga helayo kulamo dhex maray Madaxweynaha xilka ka sii tegaya ee Cabdiraxmaan Faroole iyo u qaybsanaha arrimaha Somaliya ee QM, ayaa sheegaya in madaxweyne Gaas codsaday in Faroole la shaqeeyo madaxweynaha cusub lixda bilood ee ugu horeeya muddo xileedka Gaas, si uu uga caawiyo arrimaha farsamo iyo hawlaha horyaala.




Inkasta oo aanay siyaasiyan labada hogaamiye ee isbedelayaa isku wanaagsanayn xiligii ololaha Doorashada, hadana wada shaqayn dhex marta ayaa ah mid mar kasta dantu khasbayso, maadaama laga soo gudbay xiligii loolanka, loona dhaqaaqayo sidii loogu shaqayn lahaa Shacbiga reer Puntland.




Saleban Cabdi Cali




Gobanimonews




Garoowe Office




Email: editor@gobanimonews.com