Sunday, January 12, 2014

Garoowe: Haweenka oo Madaxweynaha cusub Xukuumaddiisa ka doonaya Saami ku filan


Garoowe(GNA)-Kulamo kala duwan ayaa dhex maray Madaxweynaha cusub ee Puntland iyo Haweenka Gobolka oo iskaashanaya, kuwaasoo lagaga wada hadlay sidii ay haweenku kaalin muuqata uga qaadan lahaayeen Xukuumadda cusub ee Madaxweyne Gaas.




Haweenka Puntland ayaa hada laba Xildhiban oo qudha ku leh Golaha Wakiillada cusub ee dhawaan la soo xushay, taasoo ay saami ahaan u arkaan inaanay ku filanayn.




Qorshaha haweenka ee in door muuqda laga siiyo Hay’addaha Dawliga ah ayaa ah arrin muddo dheer soo jiitamaysay, hase ahaatee madaxweyneyaashii hore jawaab waafiya aanay ka qaadan.




Madaxweynaha cusub ee Puntland Prof. Cabdiwali Maxamed Gaas, ayaa laab debecsanaan ka duwan nidaamyadii ka horeeyay u muujiyay Haweenka, waxaanu ku booriyay inaanay xuquuqdooda siyaasiga ah ka gaabin siday u heli lahaayeen.




“waxaan ku deddaalaynaa sidii haweenka loo siin lahaa xaqoodda siyaasiga ah, haday Xukuumadda tahay iyo tahay Hay’adaha kaleba tahay, oo ma noqonayno sidii nimankii Libaaxyada ahaa ee iska kiin riixayay, laakiinse idinka laftiina waxaa loo  baahanyahay inaydaan ka gaabin sidaad xuquuqdiina u heli lahayd”sidaasi waxa kulan ka dhacay Magaalada Garoowe ka sheegay Madaxweyne Gaas oo Haweenka la hadlayay.




Dhinaca kale, sida ay Gobanimonews u xaqiijiyeen ilo-wareedyo ku dhadhow Madaxweynaha, ayaa kulamo kala duwan la yeeshay Haweenka intii xilka loo doortay.




“Haweenku iyagoo isku duuban ayay madaxweynaha u tageen oo waydiisteen in kuraas ku filan la siiyo”sidaasi, waxa Gobanimonews u sheegtay mid ka mida Haweenka wax bartay ee reer Garoowe.




Gobanimonews




Garoowe Office




Email: editor@gobanimonews.com