Pages

Saturday, January 18, 2014

Foosiya Xaaji Aadan waxay Martay Dariiqii reysal-wasaare Farmaajo lagu eryay? Warbixin


Muqdisho(GNA)-Maxamed Cabdilaahi Farmaajo wuxuu ahaa Reysal-wasaarihii saddexaad ee Somalia labadii sanadood ee ugu dambeeyay, waxaanu xilka hayay muddo aan dhamayn sanad oo uu shaqo badan qabtay.




Khilaaf soo kala dhex galay Madaxweynihii ku-meel gaarka ahaa ee xiligiisii xukunka Soomaaliya hayay, ayaa sababay in xilka laga qaado,sabab la’aan, laguna bedelo Madaxweynaha haatan ee Puntland Cabdi wali Maxamed Gaas.




Maxamed Cabdilaahi Farmaajo wuxuu ahaa reysal-wasaarihii xukuumaddiisa dariiqa u jeexday nabadda iyo degenaanshiyaha Magaalada Muqdisho ka hana qaaday, ka dib  markii uu muddo lix bilooda meelo badan oo ka mida Magaalada Muqdisho kaga sifeeyay Kooxaha Al-shabaab.




Baadhis badan oo la sameeyay markii la daba galay sababta xilka looga qaaday, waxa la ogaaday inuu ahaa Nin daacad u ah sidii Maslaxad iyo nabad loogu soo celin lahaa dalka Somalia, isla markaana dhegaha ka furaystay manjaro habaabinta shiisheeyuhu ku khasbo hogaamiyeyaasha Somalida.




Tan ayaa ah sababta uu ilaa hada ugu soo laaban waayay saaxada Siyaasadda Somalia, isla markaana u noqday Iftiin mar soo baxay oo dib u dhacay, dabadeed sidii ku maqan.




Waxyaabaha uu qabtay inkasta oo Bulshada Somalidu ka dheregsantahay, waxaan ka xusi karnaa hanaankii iyo hayaankii uu geliyay Ciidanka xooga dalka Somalia, isla markaana himiladooda u gaadhsiiyay heer aanay waligood gaadhin.




Aasaasida Warbaahinta Dawladda oo udub dhexaad u noqotay horumarinta Bulshada, wacyi gelinta nabada, meeshana ka saartay borobagaandadii Iddeecadaha Reer Galbeedku ku haysteen Maskaxada shacbiga Somaliyeed ayaa sidoo kale lagu xasuustaa Reysal-wasaare Gaas.




Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan




Geesta kale , Reysal-wasaare ku-xigeenkii hore,ahaana wasiirka Arrimaha Dibada Xukuumaddii Cabdi Faarax Shirdoon Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan Qabille, ayaa laga reebay Golaha Wasiirrada ee xukuumadda cusub,halka lagu soo daray wasiirro kale oo xukuumaddaasi  ku jiray.




Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan, ayaa horumar wanaagsan ka samaysay Wasaaradda Khaarajiga Somaliya intii ay xilka haysay, iyadoo guulaha ay wasaaradeedu gaadhay laga tilmaami karo soo jiidashada iyo heerka diblomaasiyaddeed ee Somalia haatan marayso.




Xubnaha Ugu muhiimsan ee dib looga soo celiyay Xukuumaddii Saacid, waxa ka mid ah Wasiirka Arrimaha Gudaha Cabdikariin Xuseen Guuleed iyo Jaamac Oday oo ahaa wasiir ku-xigeen, haatana laga dhigay wasiirka Tamarta iyo Macdanta.




Soo jiidashada diblomaasiyadeed ee Somalia ka dhacay intii ay Haweenaydani xilka haysay waxa ka mida, Safaaradaha tirada badan ee duwalka caalamku ka furteen dalka, kuwaasoo tiradoodu gaadhaysa ilaa shan iyo toban safaaradood oo ay wadamo kala duwani leeyihiin, ugu dambeyay Safiirka Faransiiska ee Somalia, kaasoo todobaadkii hore Madaxweyne Xasan Sheilkh waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay.




Dadka ka faaloodda arrimaha siyaasadda iyo diblomaasiyadda, ayaa qaarkood aaminsanyihiin inaanay Somalia muddo dheer helin fursad dibloomaasiyadeed oo heerkan gaadhsiisan, isla markaana tiro safiiro la mid ah kuwa haatan dalalkooda u joogaa iman magaalada Muqdisho, taasoo loo aanaynayo inay ku timi xarakaadka Wasaarada khaarajigu samaysay sanadkii ugu dambeeyay.




Kuwa aaminsan arrintaasi ayaa hada isweydiinaya sababta Wasiir Foosiya xilka looga qaaday, maadaama la soo celiyay xubno kale oo ka mida Golihii wasiirrada ee ay ku jirtay oo dood badani ka taagantahay dib u soo magacaabistooda, baarlamankuna aad ugu kala qaybsanyahay.




“Somalia Masuul wax qabta looma baahna, ninkii wax qabad muujiya waxa loogu abaal celinayaa shaqo ka caydhin”sidaasi waxa gobanimonews u sheegay khabiir siyaasadda Somalia sanado badan ku soo dhex jiray.




Wasiirada la soo celiyay, hadana ay ka wax qabadka badnayd waxa ka mida wasiirka Amniga Qaranka Cabdikariin Xuseen Guuleed oo sida la ogyahay intii uu xilka hayay amaan darada Magaalada Muqdisho joogto noqotay,kuna guul-daraystay inuu halkii uu xilka kula wareegay ka dhaqaajiyo sugida amnida dalka.




Inkasta oo andacooyinka soo baxaya ee la xidhiidha sababta xilka looga qaaday Wasiir Foosiya qaarkood lagu sheegay in dawladdaha carabta qaarkood diideen inay macaamil la sameeyaan Haweenayda khaarajiga Somalia, sida boqorka Kuwait iyo kuwo kale oo carbeed, hadana uma muuqato arrin sax ah in danaha iyo dedaalka dawladnimada dalka looga tanaasulo mawqif shakhsi iyo shakhsiyaad ku kooban.




Sababtooy tahay, xataa hadii taasi jirto waxa loo dhiibi lahaa wasaarad kale oo muhiim ah, taasoo la hubo inay horumar muuqda ku samayn lahayd.




Si kastaba ha ahaatee xil ka qaadista Wasiirka arrimaha dibada ee Somalia, Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan Qabille, ayaa muujinaysa inaan waddanka Somaliya looga baahnayn qof shaqeeya oo horumar siyaasadeed iyo mid maamulba sameeya.




Wariye: Saleban Cabdi Cali (Kalshaale)




Gobanimonews




Email: editor@Gobanimonews.com