Pages

Monday, January 6, 2014

Dhegeyso:W. Khaarajiga oo sheegay in Mugdi ku jiro Mashaariic Dubai ugu deeqday Somaliland


Maxamed Biixi Yoonis oo iska fogeeyay Eedeymo looga jeediyay Mashaariic, Xisbiyadda Mucaaridkana dhaliilay siyaasaddood.Dhegeyso




Hargeysa(GNA)-Wasiirka arrimaha dibadda somaliland ayaa jawaabo adag ka bixiyay su’aalo laga waydiiyay safar uu Jimcihii dhaweyd kaga soo laabtay Dalka Imaaraadka.




Wasiirka oo Shir jaraa’id ku qabtay Xafiiska Maanta ayaa sidoo kale sharaxaad ka bixiyay sababta dib u dhaca ku keentay shirkii wada hadalada somaliland iyo Somalia iyo halka ay marayaan Heshiiyadii hore u dhex maray labada dhinac.




Waxa u sheegay inay saddex xubnood somaliland u magacowday maamulka Hawada ee ku jiray Heshiiskii labada dhinac, Somaliyana laga sugayo inay soo magacowdo.




“anigu Nin qabiil ma ihi, Ninkii mashaariic umadda loogu soo deeqay intii magaca somaliland ku soo qaado Lunsadana ka hadhi mayno haduu qabiil dabada geliyo hadii kaleba, waanan la xisaabtamaynaa”ayuu yidhi wasiirka oo ka jawaabayay su’aal laga waydiiyay Mashaariic Imaaraadka Carabtu ugu deeqeen somaliland mugdi ku jiro.




Wasiirka ayaa sidoo kale yidhi “Waa ayaan daro in Xisbiyaddu yidhaahdaa ajande qarsoonbaa lala tegayaa shir laba dawladdood ku wada hadlayaan”.




Hadaba halkan ka dhegeyso hadalkiisa oo dhan:[audio mp3="http://www.gobanimonews.com/wp-content/uploads/Maxamed-.mp3"][/audio]