
Garoowe(GNA)-Ururka Puntland Women lawyers Assocaition (PUWLA) waa urur ka shaqeeya u doodista Xuquuqda Haweenka ee dhinaca sharciga.
Waxaana ururkan ku bahoobay Haween sharciga ka bartay Jaamacaddaha Puntland, kuwaasoo markii ay waxbarashada dhamaysteen hindisay inay kaalmo sharci u fidiyaan haweenka dhibaatooyinka la kulma iyo dadka jilicsan ee Deegaamada Puntland.
Waxyaabaha ay Haweenka ka saacidaan waxa ka mida dacwadaha Maxkamaddaha, sida Haweenka waxyeelada lagu soo gaarsiiyo Guryahooda iyo kuwa la kufsado, iyagoo dhinaca kalena dadka jilicsan ee degen xeryaha qaxoontiga iyo Baro-kacayaasha ay ka caawiyaan adeegyada sharciga.
Wariye Saleban Cabdi Cali (Kalshaale) oo ka mida wariyeyaasha ka hawl-gala Mareegta Gobanimonews oo ku sugan Magaalada Garoowe, ayaa waraysi la yeeshay Guddoomiyaha Ururkaasi Fadxiya Xirsi iyo ku-xigeenkeed oo uu kula kulmay xarunta Ururkaasi ee Magaalada Garoowe.

Halka ka dhegeyso:[audio mp3="http://www.gobanimonews.com/wp-content/uploads/Haweenka-Puwla.mp3"][/audio]
Gobanimonews
Garoowe Office
Email: editor@gobanimonews.com