Pages

Friday, January 3, 2014

Dagaalo culus oo ka socda deegaanadda sunniyiinta ee dalka Ciraaq


03.12.2014 Ciraaq (GNA) -Dagalyahanno Sunniyiin ah ayaa la wareegay dhul ballaaran oo ka tirsan magaalooyinka Falluja iyo Ramaadi.




Magaaladda faluuja:




Madaxa ciidanka la degaalanka argegixisada ee dalka Ciraaq ayaa sheegay in dagaallo ay haatan ka socdaan magaalada Falluja.




Arrintan ayaa imaanayso maalmo kaddib markii ay dowladda Ciraaq xoog ku kala eriday dibedbaxyo ballaaran oo looga soo horjeeday dowladda oo lagu dhigayay magaalada Ramaadi.




Dawladda shiicada:




Sunniyiinta dalka Ciraaq ayaa sheegaya in dowladda ay hoggaamiyaan Shiicada ay si xun ula dhaqato Sunniyiinta.




Dowladda ayaa sheegayso inay la dagaallamayso dabley taageersan Dowladda Islaamiga ee Ciraaq ee xiriirka la leh Al Qaacida.








Ra'iisalwasaaraha dalka Ciraaq Nuri Al-Maliki ayaa sheegay inuu ka hortagi doono waxa uu ugu yeeray "argegixisada" ka dagaallamaya gobollada Sunniyiinta ay degaan.




Dhowr maalmood ka hor Sunniyiinta dalka Ciraaq ayaa sheegay inay ka caroodeen tallaabada ay dowladda ku xirtay xildhibaan Sunni ah.




 




Aanu maso xigasho bbc




 




 




 




Gobanimonews Agency