Friday, January 17, 2014

Daawo Sawirrada Dalada Dhalinyarada Somaliland Ee SONYO Oo Qalab Sport Gudoonsiiyay Afar Dugsi Oo Ka Mid Ah Dugsiyada Sare Ee Magaalada Boorama


DSC02872Boorama-(GNA)-Dalada heer qaran ee dhalinyarada Somaliland ee SONYO sida ay mudnaanta u siisat ciyaaraha waxa ay ka muuqatay munaasabadan maanta ka qabsoontay Boorama, waasi oo kulmisay Madax ka socotay dalada SONYO, maamulka gobolka Awdal, kan degmada Boorama, Wasaaradaha Waxbarashada iyo Ciyaaraha ee gobolka Awdal, Ardaydayda dugsiyada iyo Ciyaaryahano badan.




Xafladani ayaa waxa uu gundhigeedu ahaa wareejinta qalab ciyaareed oo ay dalada SONYO ku wareejisay Wasaarada Ciyaaraha ee gobolka Awdal, isla markaana ugu talo gashay in la gaarsiiyo kooxaha afarta dugsi sare ee kala ah, Sh. Cali Jawhar, Ardaale, Al-aqsa iyo Aadan Isaaq oo uu dhawaan dhex mari doono tartan dhinaca kubada cagta ah.




Madashan ayaa waxa ugu horayntii ka hadlay Agaasimaha Fulinta ee dalada SONYO Md. Siciid Maxamed Axmed waxana uu ka waramay sida ay Dalada SONYO mudnaanta u siisay ciyaaraha waxana uu yidhi “ Runtii dalada SONYO waa u farxad maanta, inay bahda ciyaaraha ee gobolka Awdal la kulanto, iyada oo la xusayo muhiimada ay leeyihiin ciyaarahu, taasi oo taabo galinaysa isdhexgalka,iyo dhisida cilaaqaadka wanaagsan ee dhexmaraya dhalinyarada Somaliland, iyo abuurida jawi ay dhalinyaradu isku waydaarsato afkaartooda, midnimo ku dhisto, dalkoodana si wayoow oo haboon uga fikirto hormar gaarsiintiisa, waa taas himilada fog ee ay dalada SONYO ka leedahay ciyaaraha”




Isaga oo sii wata hadalka waxa uu yidhi Agaasime Siciid “Barnaamijkani waxa uu qayb hordhac ah ka yahay barnaamijyo ay dalada SONYO ku gaalaabixin doonto dalka oo dhan, Boorama iyo gobolka Awdalna aan u joogtayn doono, kuwaas oo qabsoomi doona sanadkan 2014, ujeedadiisuna ay tahay in kor loogu soo kiciyo ciyaarahii dalka oo dhan, si loo helo dhalinyaro mihnadooda ciyaareed ay aad u sarayso oo dal ahaan iyo dad ahaanba inooga qayb gasha ciyaaraha caalamiga ah”




Afarta dugsi ee tartanku dhex mari doono waxa loo tababaray si wanaagsan, waxana aan uga mahadnaqayaa taasi Wasaaradaha Ciyaaraha iyo Waxbarashada, waxa kale oo aan u mahadnaqayaa hayada Merci Crops oo mashruuca loo yaqaan Kobcinta Hibooyinka dhalinta qayb lixaad leh ka qaadatay, waxana aan sidoo kale u mahadnaqayaa guul lagu daydona u rajaynayaa afarta dugsi ee tartankani dhex marayo” ayuu yidhi Agaasime Siciid




Isuduwaha Ciyaaraha ee gobolka Awdal Md. Samaroon Cabdilaahi Cilmi oo isaguna ka hadlay halkaasi ayaa u mahadnaqay dalada SONYO, waxana uu balan qaaday in tartankan ay u qaban doonaan sidoo loo qorsheeyay isla markaana waxa uu u balan qaaday dugsiyada kale ee gobolka inay heli doonaan fursado kale oo tan la mid ah oo ay ku tartamaan kubada cagta.




Maayarka Boorama Md. Saleebaan Xasan Xadi oo isaguna ka hadlay halkaasi ayaa si wayn u amaanay dalada SONYO waxana uu yidhi “ Waxa aan ka marag kacayaa in dalada SONYO ay ku taagan tahay ka midho dhalinta ujeedooyinkii loo aasaasay oo ay ugu mudan tahay dhiiri galinta dhalinta Somaliland, agabkan ciyaareed ee ay maanta gudoonsiisay dugsiyada ku yaala Boorama qaar ka mid ah, waxa ay astaan u tahay sida ay daladu u doonayso in dhalinta iyo ciyaaraha la dhiiri galiyo, lalana dagaalamo tahriibta iyo waxyaabaha kale ee cadawga ku ah dhalinyarada, sidaasi aawadeed, waxa aan balan qaadaynaa in aan dhiiri galino dhalinta, sidoo kalena tatankan iyo tartanada kale ee ciyaaraha ee loo baahan yahay inay ka qabsoomaan Boorama aan kaalintayada ka qaadano, waxanan dalada SONYO uga mahanaqayaa sida ay ciyaaraha u dhiiri galisay, dhalinta heelanka ugu tahay habeen iyo maalin”




Sul. Xasan Xadi Baade oo isaguna ka hadlay halkaasi ayaa amaanay dalada SONYO, sidoo kalena ka marag kacay in ciyaarahu yihiin lafdhabarta helitaanka dhalin jidhkoodu fayowyahay oo di fayow ugu fikirta dalkooda.




Badhasaab ku xigeenka Gobolka Awdal Cabdi Nuur Sugaal oo asaguna halkaasi ka hadlay ayaa yidhi “ Waan u mahadnaqayaa dalada SONYO, waxana aan leeyahay waan idinka gudoonay agabka ciyaareed ee aad maanta keenteen gobolka Awdal, sidoo kale waxa aan leeyahay dhalinta ciyaaraysa waxa la idiinka baahan yahay inaad u tartantaan si fiican, si wanaagsan, si hormarka kaabaysa isla markaana is jacaylka iyo wanaaga dhex mari kara dhalinyarada u adeegaysa, waxana aan balan qaadaynaa in tartankan inta uu socdo aan goobjoog ka noqono oo aan indhaha ku hayno.




Si kastaba ha ahaatee munaasabadaasi ayaa waxa laga soo jeediyay heeso iyo maansooyin kale oo guubaabinaya ahmiyada ciyaaraha, waxana ay masuuliyiinta dalada SONYO agabkii ciyaareed ee ay wadeen oo isugu jiray dirayso, kabo, iyo dharka kale ee ciyaaraha oo dhamaystiran iyo kubado gudoonsiisay Wasaarada ciyaaraha ee gobolka Awdal, waxana ay kula balantay in la gaarsiiyo afarta dugsi sare ee kala ah Al-aqsa, Ardaale, Adan Isaaq iyo Sh. Cali Jawhar.




Mudada uu tartanku socdo ayaa waxa kale oo ay dalada SONYO ka taageeri doontaa dhinaca kharashaadka ku bixi doona iyo abaalmarinada kama dambaynta ah, waxa sidoo kale iyaduna xusid mudan in tartankan kubada cagta ah uu barbar socon doono tartan kale oo dhinaca suugaanta kala duwan ah oo si gaar ah u dhex mari doona gabdho ka kala socda afartaasi dugsi, gabi ahaana tartamadan ayaa waxa ay qayb ka yihiin mashruuc loogu magac daray kobcinta iyo daahfurka hibooyinka dhalinyarada, waxana fulinta mashruucan iska leh dalada SONYO, halka ay maalgalintiisa iska leedahay hayada Merci Crops.”




Gobanimo news




Borama office




Mustafe Caraale




DSC02872 DSC02865  DSC02861DSC02858 DSC02841  DSC02834DSC02824 DSC02816 20140116_080450 20140116_07521020140116_074753 20140116_074711 20140116_074431 20140116_072213