(GNA) Cilmi-baadhis ay sameeyeen khubaro u dhalatay dalka ingiriiska, ayaa sheegtay in cuntada milixdu ku yar tahay joojiso khuurada dadku sameeyaan markay hurdaan.
Cilmi-badhayaashan oo baadhitaan ku sameeyey dad ay la soo daristay khuuradu, isla markaana khaatiyaan ka istaagay sidii ay iska joojin lahaayeen, ayaa arrintan lagu ogaaday.
Xaaladan oo dadka waaweyn labaatankiiba mid ka mid ah haysata, kaasoo cunahoodu is xidho xilliyada habeenkii, keenana in hawadii sababada gaadhi lahayn awdanto, taasoo aakhirka keenta in qofku cudrro ay ka mid yihiin dhiig karka iyo wadno xannuunku ku dhaco ayaa waqtigan la ogaaday in cuntada milixdu ku yar tahay ka hor tagto.
Daawooyinka la yidhaa Diuretic oo kiniin ah iyo cuntada oo milixda lagu yareeya labaduba waxay meesha ka saraan xaaladan halista ah in dadka ay la soo daristo, halka milixda cuntadu ku badan tahay keento in jidhka uu ku bato duufku, marka uu qofku jiifsadana keenta in ay awdo sanka iyo meelaha laga neefsado, taasina ay sababto khuuro badan in qofku la yimaado.
Fikradan waxay tahay in daawadan ay yaraynayso in cunuhu xidhmo, taasina macnaheedu waa in khuurada laga hortagi karo, halka kiniinkii hore loo cuni jiray uu dhibaato lahaa oo qofku uu habeenkii dhawr jeer suuliga u kaci jiray, tani waa mid fudud oo ah inaad milixda uun iska yarayso, ayuu yidhi Prof. Jim Horne oo ka tirsan xarunta cilmi-baadhista hurdada oo ka tirsan Jaamacadda Loughborough University.
Cilmi-baadhis hore oo ku saabsan wadno-xannuunka oo ay samaysay Jaamacadda dalka Canada ee University of Toronto ayaa lagu ogaaday in cuntada oo milixda laga yareeya ay meesha ka saarto in qofku khuuriyo.
Diyaariye:-C/qaadir Askar
Gobanimonews-Desk