Saturday, January 18, 2014

Burco: Xafiiska Badhasaabka oo shaqadiisii istaagtay iyo ku-xigeenka oo takri fal lage eedeeyay


Burco(GNA)-Iyadoo Oo Uu Dhawaan Xilkii Badhasaabnimo Ee Gobalka Togdheer Uu iska Casilay Axmed Cumer X- C/Laahi (Xamarji) ayaa Waxa Gabi ahaanba istaagay Howlihii Shaqo Ee Xafiiska Maamulka Gobalku u Hayay Bulshada Gobalka Togdheer.




Qaar ka Tirsan Dadwaynaha Magalada Burco ayaa Cabasho Xoogan ka Muujiyay Xadhig ay Shegeen in Badhisaab ku Xigenku Maxamed Maxamuud Yuusuf (Ubaxle) Uu Kula Kacayo Bulshada Reer Burco si bay Yidhaahden Uu u Kasbado si Loogu Soo Magacaabo Gudoomiyaha Gobalka Togdheer,sidoo kale dadwynahaasi waxay sheegeen inuu ku tagri falo awoodii dawladnimo isagoo sidii maxkamada oo kale bulshada u xidhxidhaya waxaana saldhigyada ka buuxo dadwayne uu isagu xabsiga wada dhigay,




Waxaanay Sidoo Kale Shegeen inuu Badhisab ku Xigenku Uu Gudaha Gobalka ka Dhex Wado Qorshe Uu iskaga Horkeenayo Xukumada iyo Shacabka.




Oday Cawil Faarax Guray Oo ka Mid ah Waxgaradka Gobalka Togdheer ayaa isagu ka Mid ah Dad Uu Badhisab ku Xigenku Sabab La-aan Ugu Xidhay Saldhiga Dhexe Ee Magalada Burco.




Waxaana ka Mid ahaa Hadaladisii "Magacaygu waa Cawil Faarax Guray Waxaan Maalintii Shanaad ku Xidhanay Saldhiga Dhexe Ee Burco Sabab La-aan Awgeed,Walina Maxkamad Nalama Gaynin,Waxa i soo Xidhay Badhisab ku Xigenka (Ubax) Wuxuu igu soo Xidhay Nin Fal Gaystay Oo ku Xidhan Jeelka Wayn Burco,Arinkana isaga Muu Khusaynin Ee Odayaal ayuu Dhex Yaalay,Xadhigayga Waxaan u aragnaa Tacadi Uu Nagula Kacayo Ubax,Waxaananu u aragnaa inuu Badhasaab ku Xigeenku iska Horkeenayo Xukumada iyo Dowlada" Ayuu Yidhi Oday Cawil Faarax




C/laahi Jaamac Oo isaguna ka Mid ah Dadka Uu Xidhxidhay Badhisab ku Xigenka Gobalka Togdheer ayaa waxa ka Mid ahaa Hadaladisii




" Waxaan ku Xidhan Nahay Cadalad darro Badhisab ku Xigenku Awood ayuu Noo Adeegsanayaa,Arrinkayagu Laba ardaa ayuu Dhexyalaa waxaanu u aragnaa inuu Leeyahay Shaadh Dowladeed ayaa Xidhanahaye idinkuna Soo Xidha,shan Cisho ayuu Saldhiga Dhexe ku Jirnaa Walina Maxkamad Nalama Gaynin Waa Cadalad Daro,Waxay Arintani Haddii Aan wax Laga Qabanin ay Sababi Kartaa is Horkeen Dhex-Yimaada Bulshada iyo Xukumada,Madaxwaynaha Waxaanu leenahayMadaxwayne Gobalkii Togdheer Cadalad Daro Aad u wayn ayaa ka Jirta Badhisabkii ku Xigenkii Wakaas Adeegsanaya Awoodii Dowlad-Nimo,Wuxuu Donayaa inuu Dadka iska Xidhxidho si Badhisabka Burco Loogu Soo Magacabo" ayuu Yidhi C/Laahi Jaamac




Caaqil Faarax Oo isaguna ka Mid ah Cuqaasha Gobalka Togdheer ayaa Canbareyay Xadhigani Uu Badhasaab ku Xigenku  Kula Kacay Waxgaradka Gobalka Waxaanu Xukumada Dhexe ugu baaqay Caaqilku inay Talaabo Cad ka Qaado iska Dhufashada Uu Bulshada Reer Kula Dhex Jiro Badhasaab ku Xigenku.




Waxaanu Sidoo Kale Caaqilku Shegay inay Gabi ahaanba istageen Howlihii Shaqo Ee ka Socday Xafiiska Maamulka ka Dib Markii Uu Dhawaan iscasilay Gudomiyihii Gobalku Mr Xamarji.




Axmed  Muuse Maxamed




Burco Office