Pages

Friday, January 3, 2014

Burco: Madaxdhaqameedka oo Cambaareeyay Xadhiga Guddoomiye ku-xigeen hore ee Gobolka


Guuleed Daahir Samatar ayaa Xalay abaaro 12:00 Ciidanka RRU-du kala soo baxeen Gurigiisa, xili xaalada Gobolku kacsantahay, xirsina joogo"Warbixin




Burco(GNA)-Xubno ka midda Madaxdhaqameedka Gobolka togdheer ayaa si kulul u cambaareeyay xadhiga Guddoomiye ku-xigeenkii hore ee Gobolka Togdheer  Guuleed Daahir Samatar oo ay xalay Ciidanka ka hor taga Rabshada Somaliland ee RRU-da loo yaqaanaa ka soo qabteen Gurigiisa Magaalada Burco.




Guuleed Daahir Samatar, ayaa xalay abaaro 12:00 Habeenimo laga soo qabtay Gurigiisa, loona soo qaaday dhinac Hargeysa, inkasta oo aan la garanayn meel lagu xidhay.




Ma jiro wax wara oo ay xukuumadda Somaliland ka soo saartay xadhiga masuulka iyo sababta loo xidhay, toona, hase ahaatee xubno isugu jira madaxdhaqameed , wax garad iyo Dhalinyaro ka soo jeeda Gobolka ayaa cambaareeyay xadhiga Masuulkaasi iyo shaqaaqo shalay ka dhacday Magaalada Burco.




Suldaan Maxamed Aadan Cabdilaahi oo ka mida Madaxdhaqameedka cambaareeyay xadhiga Guddoomiye ku-xigeenka ayaa Gobanimonews u sheegay in dhibaatooyinka xadhiga iyo cabudhinta isugu jira ee ay xukuumaddu kula kacayso dadka shacbiga ah, ay meesha ka saari karaan nabad-gelyada iyo xasiloonida dalka ka jirta.




Suldaanka ayaa sheegay inay cambaareynayaan Xadhiga Sarkaalkan hore iyo rabshadihii shalay ka dhacay Magaalada Oodweyne, shacbigana ugu baaqay inay isdejiyaan, nabad-gelyadoodana ilaashadaan.




 “Anigoo ah Suldaan Maxamed Aadan Cabdilaahi (Af-dur-dur), kuna hadlaya afka Salaadiinta, Cuqaasha, waxgaradka iyo dhalinyaradda Gobolka Togdheer, waxaan  cambaareynayaa xadhiga foosha xun ee Fawaaxishka ah ee Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo kula kacday Badhasaaab ku xigeenka Gobolka Togdheer Guuleed Daahir Samatar oo ilaa hada meel uu ku xidhanyahay aan la ka garanayn.




 Waxa kale oo aan cambaareynayaa shaqaaqadii shalay ka dhacday Magaalada Oodweyne ee dadka lagu dhaawacay qaarna lagu xidhay”ayuu yidhi.




Waxaanu intaasi ku daray isagoo shacbiga baaq u diraya “Waxaanu  shacbiga  Gobolka Togdheer ugu baaqayaa inay isdejiyaan nabad-gelyadoodana ilaashadaan , taasoo aad moodo inay meesha ka saarayso xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo Gadhwadeenka ka yahay.




Waxaan  kula talinayna  shacbiga Somaliland inay nabaddooda, Xasiloonidooda iyo qarannimadooda Ilaashadaan oo aanay gacantooda ku burubrin”.




Suldaan Maxamed Aadan Cabdilaahi ayaa sidoo kale Xukuumadda Somaliland u soo jeediyay inay wax ka qabato arrimaha dalka ka socda ee khal-khalka abuuraya “Dawladda waxaanu u soo jeedinayaa inay ka waantowdo dhibaatooyinka ay bulshada ku hayso iyo kicinta ay waddo, waxaanan  ugu baaqaynaa in dhakhso xoriyadiisa ugu soo celiyo Masuulka xidhan, waxna ka qabato dhibaatooyinka jira”.




Magaalada Burco ee xarunta Gobolka Togdheer, ayaa waxa laba todobaad ka hor ka dhacay mudaharaad rabshado wata oo sababay dhimasho iyo dhaawac soo gaadhay dad rayidda iyo askar Bilaysa.




Ilo-wareedyo madaxbanaan oo Gobanimonews heshay, ayaa sheegaya inay xukuumadddu Masuulkan ay  xalay la xidhay hore ula xidhiidhisay inuu qayb ka ahaa abaabulka Mudaharaadkaasi.




Mudaharaadka Rabshadaha watay ayaa ka dhashay sarkaalkii Gobolka u qaabilsanaa Bilayska oo la bedelay, inkasta oo ay markii dambe rabshaduhu isu bedeleen xiisad u dhaxaysa bulshada rayidka ah iyo bilayska.




Guuleed Daahir Samatar ayaa wararka qaar sheegayaan in lagu xidhay xabsi ku yaala Magaalada Berbera.




Xaaskiisa oo warbaahinta la hadashay Maanta ayaa sheegtay in qaab argagax leh looga soo qabtay Gurigiisa, isla markaana dhibaatooyin loo geystay Guriga iyo dadkii kula sugnaa.




Dadweynaha Reer Burco ayaa laga dareemayaa inay si weyn uga xun yihiin xadhiga iyo xaasaasiyadda lagu hayo Bulshada Gobolka Togdheer.




Qaar ka mida oo Gobanimonews la hadlay ayaa sheegay in talaabadani ay muujinayso cadaawad iyo xaalad abuur xukuumaddu shacbiga gelinayso.




Xaalada Gobolka ayaa ah mid kacsanayd ilaa todobaadkii hore, waxaana magaalada Burco ku sugan wasiiro xukuumaddu u saartay xalinta mushkiladihii ka dhashay mudaharaadkii dhawaan ka dhacay.




Sidoo kale waxa xadhiga sarkaalkan hore ku soo beegmay xili uu Magaalada burco shalay gaadhay wasiirka Madaxtooyada xukuumada somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan oo wax laga saaro xasaradaha dalka ka dhacaya ee xalintooda qaar lagu jiro.




Gobanimonews




Burco  Office




Email: editor@gobanomonews.com