Saturday, January 4, 2014

Banaadir S. Club iyo Horyaalka Somalia


Kooxda Banaadir Sports Club ayaa galabta guul ka gaartay naadiga Dekedda cayaar ka tirsan horiyaalka Soomaaliya oo labada koox ay ku cayaareen garoonka Koonis ee magaalada Muqdisho.








Cayaarta oo ahayd mid xiiso iyo xamaasad watay ayaa xilligii loogu talagalay ku dhammaatay 3 iyo 2 oo ay ku adkaatay kooxda Banaadir.




 




Kooxda Banaadir SC ayaa sidaas waxa ay ku tagtay kaalinta labaad kala horeynta horiyaalka Soomaaliya ” Nationlink Champions League” oo dhawaan dib loo billaabay markii uu muddo bil ah hakad ku jiray.




 




Kooxdan waxaa u cayaara cayaartoy u kala dhashay waddamada Kenya iyo Nigeria, waxaa dadka la socda cayaaraha Soomaaliya ay lee yihiin waxaa loo cabsanayaa in ay qaadaan horiyaalka hadda socda.




 




Kooxdan waxaa dhawaan la wareegay maamulka Gobalka Banaadir, waxaana magaceeda lagu badila rabaa kooxdii Muqdisho ee barisamaatkii ka dhisneed dalka.




 




Cayaarta waxaa daawanayay dad aad u fara badan oo jecel kubadda cagta, kuwaasoo ka kala yimid degmooyinka gobalka Banaadir iyo deegannada ku dhowdhow.