Pages

Friday, January 3, 2014

Axmed Karaash oo Faroole isu dhiibay 7 sanadood oo uu Sool fidmo ka waday ka dib


Wuxuu Hunguri kaga jiraa inuu Madaxweyne ku-xigeen ka noqdo Puntland oo uu dhagar sokeeye u galay




Garoowe(GNA)-Hogaamiye Kooxeed caanka ahaa Gobollada Sool iyo Sanaag Barri, ayaa gaadhay Garoowe Maanta oo Khamiis ah.




Axmed Karaash ayaa todobadii sanadood ee ugu dambeeyay  ku sugnaa Deegaamada Waqooyiga Gobolka Sool iyo soohdinta u dhexaysa Gobolka Sanaag, halkaasoo uu ku haystay Maleeshiyaad hubaysan oo taabacsan.




Ninkan ayaa  ka mid ahaa hogaamiyeyaasha Maamulka Khaatumo eel aba sanadood ka hor lagu doortay Shirkii ka dhacay Magaalada Taleex, waxaanu ahaa madaxweynihii koowaad ee Maamulkaasi.




hase ahaatee  badhtamihii sanadkii ina dhaafay ee 2013-ka ayaa laga wareejiyay xilkaasi, waxaanu muddo ka dib, dib u abaabulay Maleeshiyaadkiisii, iyadoo ay muddo haatan laga joogo laba bilood dagaalo ku dhexmareen duleedka Degmada Taleex Maleeshiyaad daacad u ah Maamulka Khaatumo.




Hogaamiyahan ayaa intii uu ka baxay Khaatumo state gacan saar la sameeyay Maamulka Puntland oo uu muddo sii horaysay Wasiirka ahaa, halkaasoo uu ka helay taageero ciidan oo uu u isticmaalay dagaalka dhex maray Maamulka Khaatumo.




Masuuliyiinta Khaatumo ayaa ku eedeeyay Puntland inay ka dambeeyeen weerarka lagu soo qaaday degmada Taleex ee uu hor kacayay Axmed Karaaash, kaasoo ay sheegeen in dad badan oo rayidda lagu kaayay.




Dagaalka ayaa daba socday dhaqdhaqaaqyo siyaasaddeed oo ay deegaanka ka wadeen Madaxweyne ku-xigeenka Kursiga  wakhtigiisu sii dhamaanaya ee Puntland Cabdi samad Cali Shirre iyo koox siyaasiyiina oo kale, kuwaasoo qayb ka ahaa qorshaha uu hada ku tegay Garoowe.




Madaxweyneha Maamulka Puntland Cabdiraxmaan Maxamuud Faroole, ayaa Maanta aqalka Madaxtooyada ku qaabilay siyaasigan sanadaha badan duurka ku jiray iyo xubno madaxdhaqameed iyo wax garad isugu jira oo la socday.




Cabdiraxmaan Faroole, ayaa kulan saacado qaatay oo uu la yeeshay dhinacyadan wada socday, ka dib warbaahinta u sheegay inuu soo dhaweynayo Axmed Karaash iyo dad kale ee la socda, waxaanu intaasi ku daray inuu ku faraxsanyahay heshiiska nabadeed ee dhexmaray.




Axmed Karaash oo isuguna warbaahinta la hadlay ayaa ka dhawaajiyay inuu ku soo biiray Masraxa Siyaasadda ee Puntland, isla markaana waxyaabo badan ay ka wada hadleen Madaxweynaha.




Inkasta oo aanay jirin ilo madaxbanaan oo laga helay waxyaabaha ay labada dhinac ka wada hadleen xuduntooda, hadana warar soo baxaya ayaa sheegaya In Axmed Karaash ku biiray siyaasiyiinta u ordaya Kursiga Madaxweyne ku-xigeenka Maamulka Puntland Doorashada lagu waddo inay 8 bishan ka dhacdo Gobolka.




Siyaasiyiin badan oo uu ka mid yahay Madaxweyne ku-xigeenka hada Gen. Cabdi samad cali Shrre iyo Wasiir ku-xigeenka Caafimaadka Dr. Maxamed Xirsi Ducaale oo labadooduba ka soo jeedda Gobollada Sool iyo Buuhoodle ayaa u taagan jagada Madaxweyne ku-xigeenka.




Gobanimonews




Ceerigaabo Office




Email: editor@gobanimonews.com