Pages

Thursday, January 9, 2014

Awdal: Qaban-qaabada Shirka Beelaha Gada-buursi oo la dareemayo


Boorama-(GNA)-Qaban qaabada shirwaynaha Beelaha Gobolada Galbeedka Somaliland Ee Gadabuursi ayaa si wayn uga socda guud ahaan degaanadaas gaar ahaan xarunta Gobolka Awdal Ee Boorama,Shirwaynahan oo ay horey ugu dhawaaqeen hogaanka dhaqanka Beelaha Gadabuursi ayaa la filayaa in sannadkan gudihiisa uu ka qabsoomo goob ka mid ah Gobolka Awdal.




Mid ka mid ah gudiga qaban qaabada shirwaynahan ayaa BooramaOnline u xaqiijiyay in ay haatan meel fiican wax walba u marayaan ayna inta badan diyaariyeen dhaqaalihii shirkaasi ku qabsoomi lahaa ,waxa kale oo uu ku daray in wixii intaas ka danbeeya la diyaarin doono ergooyinkii iyo ajandayaashii lagu falanqayn lahaa Shirkaas.




Shirwaynahan ayaa noqonaya shirwaynihii ugu waynaa ee ay ka soo qayb gali doonaan bulshada kala duwan ee Goboladan ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee ka qabsooma Goboladan waxaana laga filayaa ina ay ka soo baxaan qodobo ay ku diirsadaan dadwaynaha ku dhaqan Goboladan.




Gobanimo news.com




Borama-somaliland