Pages

Saturday, January 4, 2014

Awdal: Badhasaabka oo Walaac Ka Muujiyay Dhaqan xumadda Dhalinyarada


Boorama-(GNA)-Badhasaabka gobolka Awdal Cabdoo Axmed Aayar oo maanta dhalinta ku nool gobolka Awdal fariin u diray walaac ka muujiyay waxa uu ugu yeedhay dhaqano ugub ah oo maalmahan dambe ku soo badanaya bulshada dhexdeeda, kuwaas oo uu si dadban u carab-baabay inay cudur ku yihiin midnimada bulshada iyo kaalinta ay dhalinyaradu ku leedahay hormarka dalka.




Badhasaab Cabdoo oo arintan ka hadlaya ayaa waxa uu yidhi “Waxa baryahan dambe soo badanaya dhaqanada foosha xun iyo hadalhaynta ah DHALINYARADII REER HEBEL ayaa shiraya, arintaasi waa mid laga naxo, dhalintu ma aha qabiil, mana aha inay ku dhex barbaaraan dhaqanka noocan ah, waa suura gal in caqligu aqbalo odayaashii reer Hebel ayaa shiraya, balse dhalintii reer hebel ayaa shiraysa waa wax aad u xun oo wax u dhimaya midnimada bulshada iyo kaalinta ay dhalintu ka qaadanayso hormarka bulshadeena, dhalintu waa hogaamiyayaashii barito, iyo labeentii ay ka soo bixi lahaayeen madaxdii mustaqbalka, markaa hadii ay maanta ku soo barbaaraan degaan sumaysan oo fikirkoodu ku salaysan yahay hab-qabali ah, waa nasiib daro bulshada ku habsatay”ama ayba nnoqdaan afhayeen qabiilo iwm




Badhasaab Cabdoo waxa uu dhalinta ku booriyay inay faraha kala baxaan arimaha noocan oo kale ah, waxana aan leeyahay “Waxa aan dhalinta ugu baaqayaa in ay ka fogaadaan ku lug lahaashaha qabiilka iyo qadiyadiisa, waxana aan ku dhiiri galinayaa inay noqdaan kuwo ku dhiirada wadaniyada iyo muhiimada ay leedahay, kana waantoobaan inay ka qayb qaataan shirarka qabaliga ah ee bulshada ka dhex socda”




Sidan waxa uu badhasaab Cabdoo sheegay mar uu ka qayb galay kulan balaadhan oo ay ka qayb qaateen kumanaan dhalinyaro ah oo ka qabsoomay Jaamacadda Camuud




Gobanimo news.com




Borama-somaliland