Pages

Saturday, January 11, 2014

Alle Ha U Naxariistee Wariye Ruugcadaaha Oo Baahda Saxaafada Somaliland Ka Baxay


Hargeaysa( GNA) Inaa lilaahi Wa inaa ileyhi Raajicuun  Alle ha u naxariistii waxa caawa Magaalada Hawaas ee duleedka Magaalada Addis-ababa ku geeriyooday Wariye Siciid Guraase oo ka mid ahaa Wariyayaasha mihnadda saxaafadda mudada dheer ku jiray.




 




Alle ha u naxariistee Wariye Siciid Guraase, oo hadda ka mid ahaa bahda Wargeyska Waaheen, ayaa waxa afar maalmood ka hor madaxa kaga furmay dhiig, waxaanu saddex maalmood yaalay Cisbitaalka guud ee Magaalada Hargeysa, balse shalay ayaa loo qaaday Magaalada Addis-ababa, balse caawa ayuu ku geeriyooday Hawaas oo ka sokaysa Addis-ababa.




 




Wariye Siciid Guraase, ayaa ka mid ahaa bahda saxaafadda Somaliland muddo dheer, waxaanu ahaa wariyayaasha rug cadaaga ah ee saxaafadda muhiimka u ah, waxaanu mudadii dalka lagu soo noqday ka soo shaqeeyay Jamhuuriya, Haatuf, Maalmaha, Waaheen, Xogogaal, iyo Himilo oo uu dhawaan bilaabay.




 




Alle ha u naxariistee, Marxuumka ayaa lagu wadaa in barito maydkiisa la keeno Magaalada Hargeysa si loogu aaso.




Dhamaan Bahada Gobanimonews- Gudaha iyo Dibadaba  waxa ay tacsi tiiraanya Le udirayaan Ehalkii iyo qaraabadii uu ka baxay Alle Ha unaxariistee  marxuun siciid max,ed guraase Naxariistii jano alle hasiiyee  Inaa lilaahi Wa inaa ileyhi raajicuun 




Gobanimonews-Desk




Hargeaysa/Somaliland